Golaha Wasiirrada oo ansixiyey heshiisyo is-afgarad oo ku saabsan xoojinta difaaca dalka

Date:

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo maanta yeeshay kulankoodii toddobaadlaha ahaa, ayaa ansixiyey heshiisyo is-afgarad ah, kuwaas oo muhiimad weyn u leh xoojinta difaaca dalka iyo dhismaha ciidamada qalabka sida ee Qaranka Soomaaliyeed.

Heshiisyada is-afgarad ee uu goluhu ansixiyey ayaa kala ah, Heshiis is-afgarad oo u dhexeeya Wasaaradda Gaashaandhigga JFS iyo Wasaaradda Gaashaandhigga Boqortooyada Urdun, Heshiis is-afgarad oo u dhexeeya Wasaaradda Gaashaandhigga JFS, iyo Wasaaradda Gaashaandhigga Dowladda Qatar, Heshiis is-afgarad oo u dhexeeya Wasaaradda Gaashaandhigga JFS iyo Wasaaradda Gaashaandhigga ee Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Pakistan.

Kulanka golaha, oo uu guddoominayey Ku-simaha Ra’iisul Wasaaraha ahna Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka XFS, Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa looga hadlay xaaladda amniga ee dalka, howlgallada socda ee lagu ciribtirayo kooxaha Khawaarijta ah ee Daacish iyo Al-Shabaab.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Maareeyaha Dekedda Muqdisho oo kulan la qaatay wafdi ka socday Wasaaradda Gaadiidka ee Boqortooyada Sacuudiga

Maareeyaha Dekedda Weyn ee Muqdisho, Danjire Maxamed Cali Nuur...

Hoggaamiyaha KMG koonfur Galbeed oo kulan la qaatay qaar ka mid ah Odeyaasha Dhaqanka

Hoggaamiyaha ku meel gaarka ah ee maamulka Koonfur Galbeed,...

Sh/Hoose: Ciidanka Xoogga Dalka oo gacanta ku dhigay horjooge ka tirsan khawaarijta

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, gaar ahaan Ururka 203-aad Guutada...

Warbixinta Toddobaadlaha ee DFS oo soo baxday

1- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo Madaxtooyada ku qaabilay...