Madaxweynaha Dowladda Koonfur Galbeed ayaa Magaalada Baydhabo kulan kula qaatay Madaxa Hay’adda IFAD ee Soomaaliya

Date:

Madaxweynaha Dowlada Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa Magaalada Baydhabo kulan kula qaatay Madaxa Hay’adda IFAD ee Soomaaliya Raasha Omar iyo Wafdi ay Hogaaminaysay oo maal mahan Howlo shaqo Baydhabo ujoogay.

kulanka Qaabilaada oo ay Fadhiyeen Wasiirka Beeraha Mudane Isaag Ali Subag iyo Agaasimaha Guud Wasaarada Beeraha Mudane Cali Maxamed Ibraahim ayaa waxaa diirada lagu saaray istiraatiijiyad, adeegyada ay bixiso Hay’adda Sharciyeynta Adeegyada, Baaritaanka Beeraha iyo shaqooyinka muhiimka ah ee ka socda beeraha waraabka ee Koonfur Galbeed iyo Doorka Hay’adda ka qaadanayso Hormarinta Wax soo saarka.

Madaxweynah Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa u mahadceliyey Wafdiga IFAD iyo Madaxda Mashruuca RLRP, isagoo xusay sida ay uga go’antahay Dowladda uu Hogaamiyo wada-shaqeyn miro-dhal ah iyo in bulshadan Koonfur Galbeed wax tar muuqdo loo sameeyo.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Maareeyaha Dekedda Muqdisho oo kulan la qaatay wafdi ka socday Wasaaradda Gaadiidka ee Boqortooyada Sacuudiga

Maareeyaha Dekedda Weyn ee Muqdisho, Danjire Maxamed Cali Nuur...

Hoggaamiyaha KMG koonfur Galbeed oo kulan la qaatay qaar ka mid ah Odeyaasha Dhaqanka

Hoggaamiyaha ku meel gaarka ah ee maamulka Koonfur Galbeed,...

Sh/Hoose: Ciidanka Xoogga Dalka oo gacanta ku dhigay horjooge ka tirsan khawaarijta

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, gaar ahaan Ururka 203-aad Guutada...

Warbixinta Toddobaadlaha ee DFS oo soo baxday

1- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo Madaxtooyada ku qaabilay...