Madaxweynaha Dowladda Koonfur Galbeed ayaa Magaalada Baydhabo kulan kula qaatay Madaxa Hay’adda IFAD ee Soomaaliya

Date:

Madaxweynaha Dowlada Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa Magaalada Baydhabo kulan kula qaatay Madaxa Hay’adda IFAD ee Soomaaliya Raasha Omar iyo Wafdi ay Hogaaminaysay oo maal mahan Howlo shaqo Baydhabo ujoogay.

kulanka Qaabilaada oo ay Fadhiyeen Wasiirka Beeraha Mudane Isaag Ali Subag iyo Agaasimaha Guud Wasaarada Beeraha Mudane Cali Maxamed Ibraahim ayaa waxaa diirada lagu saaray istiraatiijiyad, adeegyada ay bixiso Hay’adda Sharciyeynta Adeegyada, Baaritaanka Beeraha iyo shaqooyinka muhiimka ah ee ka socda beeraha waraabka ee Koonfur Galbeed iyo Doorka Hay’adda ka qaadanayso Hormarinta Wax soo saarka.

Madaxweynah Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa u mahadceliyey Wafdiga IFAD iyo Madaxda Mashruuca RLRP, isagoo xusay sida ay uga go’antahay Dowladda uu Hogaamiyo wada-shaqeyn miro-dhal ah iyo in bulshadan Koonfur Galbeed wax tar muuqdo loo sameeyo.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo Khudbad Qaran u jeedinaya Shacabka kuna saabsan Arrimaha Muhiimka ah ee Soomaaliya

Madaxweynaha JFS Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa goordhow shacabka...

Indonesia oo mar kale xaqiijisay taageerada buuxda ee madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya

Dowladda Indonesia ayaa si cad u adkaysay taageerada ay...

Ciidamada Xoogga dalka oo howlgal lagu tiro badan oo Khawaarij ah ka fuliyey Shabeellaha dhexe

Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed, oo kaashanaya saaxiibada caalamka, ayaa...

Golaha wasiirrada oo buriyey heshiisyadii lala galay Imaaraadka Carabta

Golaha Wasiirrada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, iyaga oo ku shaqeynaya...