Ra’iisul wasaaraha XFS oo qaabilay Safiirka Shiinaha u fadhiya Muqdisho

Date:

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa xafiikiisa ku qaabilay Danjiraha Dowladda Shiinaha u fadhiya Soomaaliya H.E. Wang Yu, oo ay ka wada hadleen xoojinta xiriirka iyo iskaashiga soo qotada dheer ee u dhaxeeya labada Jamhuuriyadood.

Ra’iisul Wasaare Xamsa ayaa uga mahadceliyey Shiinaha taageerada dhinacyada kala duwan leh ee ay siiyaan Soomaaliya, gaar ahaan arrimaha siyaasadda, iskaashiga, amniga, horumarinta dhaqaalaha iyo arrimaha bini’aadannimida.

Dhankiisa Danjire Wang Yu, ayaa xusay in Soomaaliya iyo Shiinaha uu ka dhaxeeyo xiriir iskaashi oo soo jireen ah, isla markaana ay dhankooda sii wadi doonaan taageerada ay la garab taagan yihiin dadka iyo dalka Soomaaliyeed.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Hoggaamiyaha Ku-meelgaarka KGS oo si diirran loogu soo dhaweeyay Baydhabo

Wafdi uu hoggaaminayo Hoggaamiyaha Ku-meelgaarka ah ee Dowlad Goboleedka...

Golaha Wasiirrada Soomaaliya oo ansixiyay Hindise-sharciyeedyo iyo heshiisyo Muhiim ah

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo maanta yeeshay...

Shirweynaha Sannadlaha ah ee GANHRI oo si rasmi ah loogu soo gabagabeeyay Geneva

Shirweynaha sanadlaha ah ee Ururrada Xuquuqul Insaanka caalamka ee...

Xafiiska Hantidhowrka JFS oo soo gabagabeeyay Aqoon-isweydaarsi ku saabsan Musuqmaasuqa

Xafiiska Hantidhowrka Guud ee JFS ayaa maanta soo gebagabeeyey...