Madaxweyne Xasan Sheekh oo hambalyo u diray guddoomiyaha Baarlamaanka dowlad-goboleedka Waqooyi Bari

Date:

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa hambalyo u diray Dr. Aadan Cabdullaahi Aw-xasan oo loo doortay Guddoomiyaha Baarlamaanka Dowlad-goboleedka Waqooyi Bari Soomaaliya.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay in doorashadan ay muujineyso tallaabo muhiim ah oo lagu xoojinayo dhismaha dowladnimada iyo hay’adaha kala duwan ee ka shaqeeya danta shacabka iyo horumarinta deegaanka.

“Waxaan Guddoomiyaha cusub u rajaynayaa in Alle u fududeeyo mas’uuliyadda culus ee loo igmaday, anigoo aaminsan in uu door muuqda ka qaadan doono xaqiijinta dowlad-dhiska, dhammaystirka geeddi-socodka doorashada iyo ilaalinta sharciga”.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa bogaadiyey xildhibaannada Waqooyi Bari Soomaaliya, waxa uuna u rajeeyey in Alle ku guuleeyo shaqada harsan ee doorashada iyo dowladnimada.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Federal Government of Somalia’s Weekly Briefing

1- President Hassan Sheikh Mohamud hosted a special Iftar...

Warbixinta Toddobaadlaha ee DFS oo soo baxday

1- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo afur sharafeed u...

Golaha Wasiirrada XFS oo Ansixiyey Heshiisyo Caalami ah iyo Xeer-nidaamiyeyaal Muhiim ah

Muqdisho, Khamiis, 05 Maarso 2026 – Golaha Wasiirrada ee...

Wasaaradda Warfaafinta oo soo dhaweysay Ansixinta  dhammeystirka Dastuurka JFS 

Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Soomaaliya ayaa si diirran...