Guddoomiyaha Maxkamadda Sare oo kulan la qaatay ururka Garsooreyaasha Bariga Afrika 

Date:

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Dalka, Mudane Baashe Yuusuf Axmed iyo qaar kamid ah hoggaanka sare ee hay’adaha garsoorka dalka, ayaa kulan muhiim ah la qaatay wafdi ka socday Ururka Garsooreyaasha Bariga Afrika (EAMJA) oo booqasho rasmi ah ku jooga dalka.

Labada dhinac ayaa ka wadahadlay sidii ay isaga kaashan lahaayeen dhinacyada horumarka garsoorka, isdhaafsiga talooyin ku saabsan sida looga faa’iideysan karo xubinnimada ururka daboolidda baahida loo qabo wada-shaqeyn joogto ah .

Xubnaha ka socday Ururka EAMJA ayaa soo bandhigay taariikhda Ururka, mashaariicda ay ka hirgeliyeen dalalka xubnaha ka ah, iyo fursadaha iskaashi ee dhinacyada tababarka, is-dhaafsiga waayo-aragnimada, iyo mideynta heerarka shaqada garsoorka.

Ujeedka booqashada Wafdiga ayaa lagu sheegay xoojinta xiriirka iyo iskaashiga hay’adaha garsoorka ee gobolka iyo sidii Soomaaliya ay xubin uga noqon laheyd ururkan.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddiga Doorashooyinka Qaranka oo degmada Jalalaqsi ka daahfuray ololaha diiwaangelinta codbixiyeyaasha

Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha ayaa...

Hodan oo u gudubtay wareegga 2-aad ee Tartan cilmiyeedka Ramadaan.

Degmada Hodan oo ka tirsan Gobolka Banaadir ayaa u...

War-saxaafadeed:horjoogihii qorsheeyey weerarkii godka Jilacow oo la dilay

Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA), oo kaashanaya...

Ra’iisul Wasaaraha XFS oo xafiiskiisa ku qaabilay Wakiilka hey’adda (UNICEF) ee Soomaaliya

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi...