Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka XFS “Amni darradu waa dabarka ku xiran horumarka da’yarta Soomaaliyeed.”

Date:

Ra’iisul Wasaare Kuxigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac, oo maanta qeyb galay xuska Maalinta Dhallinyarada Adduunka oo sanad Kasta dunida laga xuso, ayaa sheegay in dhallinyarada Soomaaliyeed ay hormuud u yihiin dagaalka cadowga looga ciribtirayo dalka.

Ra’iisul Wasaare Kuxigeenka Dalka oo hadal ka jeediyay munaasibadda, ayaa dul istaagay muhiimadda ay dhallinyarada Soomaliyeed u leeyihiin Dowlad-dhiska, isaga oo ku bogaadiyay kaalintooda nafhurnimo ee adkeynta midnimada dalka.

Sidoo kale, Ra’iisul Wasaare Kuxigeenka, ayaa sheegay in Xukuumada DanQaran ay qorshayaal ka leedahay horumarinta dhallinta Soomaliyeed, taasi oo ay kamid tahay in masiirkooda siyaasadeed iyagu jaan-gooyaan, taasina ay tahay sababta loo dardargalinayo Doorashooyina tooska ah ee Wadanka laga hirgelinayo.

Munaasibadda ayaa waxaa sidoo kale ka qeyb galay Wasiirro Ka tirsan Xukuumadda, Guddoomiye Kuxigeenka Arrimaha Bulshada Gobalka Banaadir, Ururrada Dhallinyarada, iyo Marti Sharaf Kale.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Agaasimaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo shir guddoomiyay kulan muhiim ah

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta...

Wasiir Fiqi oo kormeeray fariisimaha ciidamada XD ee Baydhabo

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi...

Taliyaha Ciidamada Booliska Soomaaliya oo Baydhabo kula kulmay Saraakiisha ciidamada

Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed S/guuto Asad Cusmaan Cabdullaahi ayaa...

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KULAN LA QAATAY ODAYAASHA DHAQANKA KOONFUR GALBEED

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...