Duqa Muqdisho oo xarigga ka jaray waddooyin muhiim ah

Date:

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa xarigga ka jaray afar waddo oo laami ah, kuwaas oo laga hirgeliyay waaxda Oktoobar ee Degmada Hodan, iyadoona dhismaha waddooyinkaan ay iska kaashadeen Bulshada, Maamulka Degmada iyo Dowladda Hoose ee Xamar.

Duqa Muqdisho ayaa sheegay in dhismaha waddooyinka ay kaalin wayn ka qaadanayaan, horumarka caasimadda, waxa uuna sheegay in ay socdaan qorshayaal kale oo lagu dhisaayo waddooyin muhiim ah iyo furista waddooyinka xirn ee Magaalada Muqdisho kuwooda aan culeesyada amni ka jirin si loo fududeeyo isku socodka bulshada.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa bulshada ugu baaqay in ay ka qeyb qaataan horumarada ka socda caasimadda ee dhanka dib-u-dhiska, soo celinta bilicda, amniga iyo dimuqraadiyeynta dalka si ay bulshada usoo doortaan Maamulkooda heer Degmo ilaa heer Gobol.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Agaasimaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo shir guddoomiyay kulan muhiim ah

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta...

Wasiir Fiqi oo kormeeray fariisimaha ciidamada XD ee Baydhabo

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi...

Taliyaha Ciidamada Booliska Soomaaliya oo Baydhabo kula kulmay Saraakiisha ciidamada

Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed S/guuto Asad Cusmaan Cabdullaahi ayaa...

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KULAN LA QAATAY ODAYAASHA DHAQANKA KOONFUR GALBEED

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...