Agaasimaha hay’adda socdaalka oo kulan la qaatay wafdi ka socda Ciraaq

Date:

Agaasimaha guud ee hay’adda socdaalka iyo jinsiyadda mudane Mustafa Duhulow ayaa kulan wax ku ool ah la yeeshay wafdi ka socday wasaaradda arrimaha gudaha ee dowladda Ciraaq oo uu hoggaaminayo La-taliyaha Wasiirka Arrimaha gudaha, Sarreeye Guud Ziyad Daha Cali iyo Agaasimaha waaxda Iskaashiga Caalamiga ah ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee dalka Ciraaq, Sarreeye Gaas Calaa Canshuur Manaati. Wafdigan ayaa booqasho ku yimid xarunta dhexe ee HSJ.

Kulanka waxaa sidoo kale qayb ka ahaa Agaasimaha guud ee Wasaaradda Amniga Gudaha JFS mudane Yuusuf Cali Safiirka Dowladda Soomaaliya u fadhiya dalka Ciraaq, Mudane Ridwaan Xirsi Maxamed, iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan HSJ.

Ugu horrayn, Agaasimaha Guud ee HSJ ayaa wafdiga siiyay warbixin guud oo ku saabsan dedaallada lagu xaqiijinayo horumarinta baasaboorka Soomaaliyeed iyo isbeddellada lagu sameeyay adkaynta lagu codsado baasaboorka, hirgelinta nidaamka PISCES, iyo saxiixyada heshiisyada wada-shaqaynta ee Interpol oo qayb ka qaadanaya adkaynta amniga socdaalka iyo xuduudaha.

Sidoo kale, wuxuu la wadaagay wafdiga wada-hadallada caalamiga ah ee dhawaan lala yeeshay dalalka Norway, Switzerland, Germany, iyo Ingiriiska, kuwaas oo dhawaan la filayo inay qayb ka noqdaan horumarinta kaabayaasha Hay’adda.

Agaasimaha Guud ayaa sheegay in Dowladda Ciraaq iyo Dowladda Soomaaliya horay ula lahaayeen xiriir qoto dheer oo taariikhi ah, isla markaana hay’adaha labada dal ee socdaalka iyo jinsiyadda ay iska kaashan karaan khibrad wadaag, isdhaafsiga xogta, iyo horumarinta kaabayaasha teknoolojiyada casriga ah. Waxa uu sidoo kale Dowladda Ciraaq ka codsaday inay ka taageeraan HSJ tababarka saraakiisha iyo dhismaha machadka tababarka.

Dhanka kale, wafdiga Dowladda Ciraaq ayaa sheegay inay aad ugu faraxsan yihiin soo dhaweynta iyo martiqaadka loo sameeyay, isla markaana casuumaad rasmi ah u fidiyeen Agaasimaha Guud ee HSJ si uu booqasho rasmi ah ugu tago dalka Ciraaq. Waxa ay sidoo kale ballanqaadeen inay HSJ kala shaqeyn doonaan tababarro kala duwan oo la xiriira baasaboorrada, dalku-galka, iyo socdaalka, iyagoo sheegay inay ka caawin doonaan tababarka saraakiisha HSJ.

Wafdiga ayaa sidoo kale kormeer ku sameeyay xafiiska baarista iyo hubinta dukumentiyada, xafiiska madbacadda, iyo xafiiska dalku-galka ee elektarooniga ah (E-visa).

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Taliyaha Boliiska oo xariga ka jaray Dhismaha Dugsiga Qur’aanka Kariimka ee Gabdhaha Agoonta Boliiska

Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed Sarreeye Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi...

Qaar ka mid ah Golaha Wasiirrada oo kormeer ku tagay goobaha laga qaadanayo kaarka codbixinta

Qaar ka mid ah Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya...

Wasiirka Amniga Gudaha oo Hey’adda UNDP kala wareegay gaadiid loogu talagalay hay’adaha amniga

Wasiirka Amniga Gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdullaahi Sheekh...

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo shacabka Caasimadda ugu baaqay inay qaataan kaarka codbixinta

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Mudane Xasan...