Wasiirka Warfaafinta oo xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya

Date:

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska, Mudane Daa’uud Aweys Jaamac, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya, Karin Johansson.

Wasiirka iyo Safiirka Midowga Yurub ayaa ka wada hadlay iskaashiga iyo horumarinta dhinacyada dhaqanka iyo wacyigelinta bulshada.

Wasiir Daa’uud Aweys ayaa ku bogaadiyay Midowga Yurub taageerada iyo wadashaqeynta wanaagsan ee ay la leeyihiin Dowladda Federaalka Soomaaliya, gaar ahaan kaalinta Midowga Yurub ee ku aaddan horumarinta dhaqanka iyo dhiirrigelinta nabadda.

Daljire Karin ayaa dhankeeda xustay inay doonayaan inay sii laba-laabaan hawlaha ay ka wadaan Soomaaliya, iyadoo intaa ku dartay in dalka uu sameynayo horumar dhinacyo badan leh oo abuura rajo cusub.

Kulanka waxaa sidoo kale goob joog ka ahaa mas’uuliyiin ka kala socday Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska iyo Midowga Yurub.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Ra’iisul Wasaaraha XFS oo xafiiskiisa ku qaabilay Wakiilka hey’adda (UNICEF) ee Soomaaliya

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi...

Guddiga Gurmadka Abaaraha ee Dhuusamareeb oo ka warbixiyay halka ay marayaan howlaha gurmadka

Guddiga Gurmadka Abaaraha ee magaalada Dhuusamareeb ayaa ka warbixiyay...

Diinsoor oo ku soo baxday tartan cilmiyeedkii bisha Ramadaan

Degmada Diinsoor oo ka tirsan Gobolka Baay ayaa u...

Horjooge sare oo ka tirsanaa Khawaarijta oo la khaarijiyay

Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) oo kaashanaya...