Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo Kulan la Qaatay Dhigiisa Dalka Aljeeriya

Date:

Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Wasiir Cabdisalaam Cabdi Cali , ayaa maanta kulan muhiim ah la qaatay Wasiirka Arrimaha Dibadda ee dalka Aljeeriya, Mudane Axmed Ataf, kaas oo ka dhacay magaalada Aljeres, caasimadda dalkaas.

Kulankan ayaa diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka labada dal ee Soomaaliya iyo Aljeeriya, gaar ahaan dhinacyada difaaca, amniga, waxbarashada, farsamada gacanta, iyo xoolaha. Labada Wasiir ayaa isla gartay in la dhiso guddi heer Wasiir ah oo labada dal ka dhaxeeya, si loo adkeeyo iskaashiga labada dowladood, loona horumariyo xiriirka labada dhinac.

Intii uu socday kulanka, waxaa sidoo kale laga hadlay arrimaha gobolka, oo ay kamid yihiin xaaladaha ka taagan Suudaan, marinka Gaza, Geeska Afrika iyo gobolka Saaxil. Labada dhinac ayaa muujiyey muhiimadda ay leedahay wadashaqeyn dhab ah si loo helo xasilooni waarta oo ka hana qaadda guud ahaan gobolka.

Wasiir Cabdisalaam ayaa uga mahad celiyey dowladda Aljeeriya taageerada ay mar walba la garab taagan tahay shacabka Soomaaliyeed iyo midnimadooda, isagoo xusay in xiriirka labada dal uu yahay mid taariikhi ah oo sal adag leh.

Dhankiisa, Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Aljeeriya, Mudane Axmed Ataf, ayaa isna uga mahad celiyey dhiggiisa Soomaaliyeed booqashada iyo dadaallada uu ku bixinayo xoojinta xiriirka labada dal. Wuxuu sidoo kale ballan qaaday in dowladda Aljeeriya ay sii wadi doonto taageerada ay siiso Soomaaliya.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Hoggaamiyaha Koonfur Galbeed oo la kulmay Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Qaranka

Hoggaamiyaha ku meel gaarka ah ee Dowladda Koonfur Galbeed,...

Ciidanka Xoogga Dalka oo duqeyn cirka ah ku dilay 12 katirsan khawaarijta

Ciidanka Qaranka, oo kaashanaya saaxiibbada caalamka, ayaa aroornimadii maanta...

Madaxweynaha JFS “Koonfur Galbeed waxa ay noqon doontaa Dowlad Goboleedka ugu horreeya ee laga hirgeliyo doorasho qof iyo cod ah.”

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo...

Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Qaranka oo gaaray magaalada Baydhabo

Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha, Mudane...