Aqoon isweydaarsi ku saabsan tabinta doorashooyinka oo laga furay Baydhabo

Date:

Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, iyadoo kaashanaysa Wasaaradda Warfaafinta iyo Wacyigelinta ee Dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed, ayaa maanta magaalada Baydhabo ka furtay aqoon isweydaarsi ku saabsan anshaxa warbaahinta ee tabinta doorashooyinka Soomaaliya, kaas oo ay ka qeybgalayaan 20 suxufi oo ka kala socda xarumaha warbaahinta.

Aqoon isweydaarsigan oo soconaya muddo laba maalmood ah ayaa diiradda saaraya kaalinta warbaahinta ee tabinta doorashooyinka dalka, si ku dhisan dhexdhexaadnimo, eex la’aan, mabaadi’da saxaafadda iyo shuruucda doorashooyinka.

Agaasimaha Xiriirka Dowlad-goboleedyada ee Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska JFS, Mudane Cabdiraxmaan Axmed Xuseen, ayaa uga mahadceliyay masuuliyiinta Wasaaradda Warfaafinta Koonfur Galbeed isku-dubbaridka tababarka iyo wada-shaqeynta wanaagsan ee ay la leeyihiin wasaaradda heer federaal. Wuxuu sidoo kale sheegay in ujeedada tababarkani tahay in la kor u qaado doorka warbaahinta ee tabinta doorashooyinka dalka.

Agaasimaha Guud ee Warfaafinta iyo Wacyigelinta Bulshada ee Dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed, Mudane Cumar Mustafe, oo tababarka si rasmi ah u furay, ayaa kula dardaarmay wariyeyaasha ka kala socda warbaahinta dowladda iyo kuwa gaarka loo leeyahay in ay si dhab ah uga faa’iidaystaan casharada tababarka. Wuxuu sidoo kale bogaadiyay iskaashiga Wasaaradda Warfaafinta ee heer federaal ee ku aaddan kor u qaadista wacyiga warbaahinta.

Aqoon isweydaarsigan oo ah qeyb ka mid ah tixane loogu talagalay fahamka doorashooyinka iyo kaalinta muhiimka ah ee saxaafadda Soomaaliyeed, waxaa taageeray howlgalka xilliga kala-guurka ee Qaramada Midoobay (UNSOM), si loo xoojiyo warbaahin madax bannaan, hufan, dhexdhexaad ah.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Madaxweyne Xasan Sheekh oo guddoomiyey shirka amniga Koofur Galbeed

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ahna Taliyaha Guud ee Ciidamada...

Hoggaamiyaha Koonfur Galbeed oo la kulmay Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Qaranka

Hoggaamiyaha ku meel gaarka ah ee Dowladda Koonfur Galbeed,...

Ciidanka Xoogga Dalka oo duqeyn cirka ah ku dilay 12 katirsan khawaarijta

Ciidanka Qaranka, oo kaashanaya saaxiibbada caalamka, ayaa aroornimadii maanta...

Madaxweynaha JFS “Koonfur Galbeed waxa ay noqon doontaa Dowlad Goboleedka ugu horreeya ee laga hirgeliyo doorasho qof iyo cod ah.”

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo...