Wasiirka Caafimaadka oo ka warbixiyay horumarka adeegyada caafimaadka dalka

Date:

Wasiirka Caafimaadka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Dr. Cali XaajI oo ka qeybgalay kulanka todobaadka Waraahinta Qaranka ayaa xusay in Dowladda Soomaaliya dadaal xooggan u gashay dayactirka 8 cisbitaal oo ku yaalla Muqdisho iyo deegaanada kale ee maamul-goboleedyada dalka.

Wasiirka ayaa sheegay in dowladda ay haatan ku howlan tahay dhismaha 6 cisbitaal oo laga hirgelinayo degmooyinka ay maamulaan dowlad-goboleedyada, si sida uu yiri shacabka halkaasi degan ay u helaan adeegyo daaweyn oo ay kaga maarmayaan in ay u safraan meelaha kale.

Dr. Cali Xaaji ayaa sidoo kale caddeeyay in wasaaradda ay shaqaaleysiisay dhaqaatiir howlkar ah, isagoo intaa ku daray in cisbitaallada Banaadir iyo Martiini lagu qalabeeyay adeegyo aasaasi ah oo gacan ka geysan kara la socodka xanuunada kala duwan ee inta badan soo rida bukaanada caadiga ah.

Wasiirka Caafimaadka ayaa tilmaamay in wasaaradda ay si joogto ah uga warqabto dhaqdhaqaaqyada cisbitaallada gaarka loo leeyahay isla markaana ay leeyihiin xiriir wada-shaqeyn oo wanaagsan.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo Khudbad Qaran u jeedinaya Shacabka kuna saabsan Arrimaha Muhiimka ah ee Soomaaliya

Madaxweynaha JFS Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa goordhow shacabka...

Indonesia oo mar kale xaqiijisay taageerada buuxda ee madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya

Dowladda Indonesia ayaa si cad u adkaysay taageerada ay...

Ciidamada Xoogga dalka oo howlgal lagu tiro badan oo Khawaarij ah ka fuliyey Shabeellaha dhexe

Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed, oo kaashanaya saaxiibada caalamka, ayaa...

Golaha wasiirrada oo buriyey heshiisyadii lala galay Imaaraadka Carabta

Golaha Wasiirrada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, iyaga oo ku shaqeynaya...