Wasaaradda Caafimaadka XFS oo magacowday xubnaha Golaha Anshaxa Cilmi-baarista Qaranka

Date:

Dr. Ali Haji Adam, Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa magacaabay xubnaha Golaha Anshaxa Cilmi-baarista Qaranka Soomaaliyeed (SNREB). Tallaabadan waxay muujinaysaa dadaalka dowladda ee ku wajahan dhisidda nidaam cilmi-baaris oo daahfuran, ku saleysan anshax, kuna dhisan mas’uuliyad iyo nidaam sharci, lana jaanqaadoona qorshaha isbadalka qaran (National Transformation plan).

Golaha SNREB oo ayaa u xil-saaranaan doona dib-u-eegista, qorshaynta, isku xerka iyo kormeerka dhamaan cilmi baarista caafimaadka ee dalka, mas’uuliyadaha golahan waxa ay sidoo kale daboolayaan baahiyaha ku gadaaman cilmi-baarista la xiriirta Caafimaadka, nafaqada, WASH (biyaha, nadaafadda, iyo fayadhowrka), deegaanka, iyo hab-dhaqanka aadanaha.

Ujeeddadu Golahan ayaa ah in dhammaan cilmi-baarisyada noocan oo kale ah lagu hago xeerarka anshaxa cilmi-baarista ee heer qaran iyo Go`aanka Golaha Wasiirrada ee Summadiisu tahay SHGW.00.84.10.19 ee 10/10/2019 kuna saabsan ansixinta Xeer-nidaamiyaha Machadka Caafimaadka ee Soomaaliya, dhanka kale Machadka Qaranka ee Caafimaadka (NIH) oo ah udub dhexaadka isku xerka dhamaan howlaha la xariira cilmi baarista caafimaadka dalka.

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka, Dr. Cali Xaaji Aadam, ayaa ku tilmaamay dhismaha golahan inuu yahay tallaabo istiraatiiji ah oo muhiim u ah dhisidda dowladnimada casriga ah iyo dhiirrigelinta cilmi-baarista masuulka ah, sidookalena in Golaha SNREB uu noqdo garab muhiim ah oo suga anshaxa cilmi-baarista caafimaadka dalka, ilaalinta xuquuqda bini’aadantinimo iyo dhiirrigelinta cilmi-baaris la isku halleyn karo.

Xubnaha la magacaabay ayaa ka kooban khubaro sare oo leh aqoon iyo waayo-aragnimo dhanka caafimaadka, anshaxa bio-etikada, cilmi-baarista, sharciga iyo siyaasadda guud ee caafimaad Dalka, waxay hirgelidoonan howlaha horyaala si waafaqsan habraacyada anshaxa ee lagu oggolyahay gudaha iyo dibadda.

Wasaaradda Caafimaadka waxay ku amreesaa dhammaan hay’adaha, caalamiga ah iyo kuma maxaliga ah, jaamacadaha, xarumaha caafimaad iyo la-hawlgalayaasha caalamiga ah ee cilmi-baarista ku lugta leh inay la shaqeeyaan golahan, una hogaansamaan nidaamka iyo xeerarka (SNREB)si loo horumariyo cilmi-baaris caafimaad oo ku dhisan hufnaan, anshax, isla xisaabtan iyo nidaam cadaalad ah oo buddhig u ah dastuurka iyo sharuucda kale ee dalka udagsan.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO MAGACAABAY LATALIYAHA AMNIGA QARANKA

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Wasiirka Amniga oo guddoomiyay kulan wada shaqeyn ah ee Hay’adaha HSJ iyo NIRA

Wasiirka Amniga Gudaha, Jeneraal Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag), ayaa...

Magaalada Bariire oo lagu dilay ku dhawaad 70 xubnood oo ka tirsanaa Khawaarijta

Maalmihii la soo dhaafay waxay dagaallo adag ka socdeen...

Shirka arrimaha bani’aadannimada Soomaaliya oo laga furay magaalada Baydhabo

Shirka Madasha Arrimaha Bani’aadannimada Soomaaliya (CHF 2025), oo ay...