Shirka arrimaha baniโ€™aadannimada Soomaaliya oo laga furay magaalada Baydhabo

Date:

Shirka Madasha Arrimaha Baniโ€™aadannimada Soomaaliya (CHF 2025), oo ay soo qaban-qaabisay Hayโ€™adda Maareynta Musiibooyinka (SoDMA), ayaa ka furmay magaalada Baydhabo.

Shirka waxaa si rasmi ah u daah-furay Guddoomiyaha Baarlamaanka Koonfur Galbeed, waxaana ka qeybgalaya Guddoomiyaha SoDMA, Wasiirrada Gargaarka ee dowlad goboleedyada, maamulka Gobolka Banaadir, hayโ€™adaha deeq-bixiyeyaasha, ururrada bulshada rayidka ah, ganacsatada, iyo marti sharaf kale duwan.

Shirka ayaa diiradda saaraya wax ka qabashada xaaladaha baniโ€™aadannimo ee dalka, iyadoo la adeegsanayo hannaanka wada-jirka ah, xoojinta howlaha gargaarka, wax-ka-qabashada caqabadaha dhaqaale, isu-duwidda dadaallada, iyo kor u qaadidda iskaashiga dhexmara dhammaan daneeyeyaasha la xiriira baniโ€™aadannimada.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale