Gudoomiyaha hayโ€™adda SoDMA oo Baydhabo gaaray

Date:

Wafdi ballaaran oo uu hoggaaminayo guddoomiyaha hayโ€™adda maareynta musiibooyinka Qaranka mudane Maxamuud Macalin Cabdulle, ayaa maanta gaaray magaalada Baydhabo.

Wafdigan oo ay qeyb ka yihiin Wasiirrada Wasaaradaha gargaarka ee Dowlad-goboleedyada dalka, ayaa ujeedkiisu yahay ka qeybgalka Shirka Madasha Arrimaha Baniโ€™aadannimada Soomaaliya oo berri ka furmi doona Baydhabo.

Madashan oo ay soo qabanqaabisay Hayโ€™adda SoDMA ayaa looga hadlayaa guud ahaan arrimaha baniโ€™aadannimada dalka, waxaana ka soo qeybgalaya hayโ€™adaha dowladda, kuwa caalamiga ah, kuwa maxalliga ah, ururrada bulshada ee ka shaqeeya arrimaha baniโ€™aadannimada iyo deeq-bixiyeyaasha.

Masโ€™uuliyiin ka tirsan labada gole ee maamulka Koonfur Galbeed oo uu hoggaaminayo Wasiirka Wasaaradda Gargaarka Koonfur Galbeed, Cabdinaasir Cabdi Caruush, ayaa wafdigan ku soo dhaweeyay garoonka Shaati-gaduud.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale