Gudoomiyaha hay’adda SoDMA oo Baydhabo gaaray

Date:

Wafdi ballaaran oo uu hoggaaminayo guddoomiyaha hay’adda maareynta musiibooyinka Qaranka mudane Maxamuud Macalin Cabdulle, ayaa maanta gaaray magaalada Baydhabo.

Wafdigan oo ay qeyb ka yihiin Wasiirrada Wasaaradaha gargaarka ee Dowlad-goboleedyada dalka, ayaa ujeedkiisu yahay ka qeybgalka Shirka Madasha Arrimaha Bani’aadannimada Soomaaliya oo berri ka furmi doona Baydhabo.

Madashan oo ay soo qabanqaabisay Hay’adda SoDMA ayaa looga hadlayaa guud ahaan arrimaha bani’aadannimada dalka, waxaana ka soo qeybgalaya hay’adaha dowladda, kuwa caalamiga ah, kuwa maxalliga ah, ururrada bulshada ee ka shaqeeya arrimaha bani’aadannimada iyo deeq-bixiyeyaasha.

Mas’uuliyiin ka tirsan labada gole ee maamulka Koonfur Galbeed oo uu hoggaaminayo Wasiirka Wasaaradda Gargaarka Koonfur Galbeed, Cabdinaasir Cabdi Caruush, ayaa wafdigan ku soo dhaweeyay garoonka Shaati-gaduud.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Musharixiinta u taagan kursiga HOP204 oo qaatay shahaadada Musharxnimo

Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha ayaa...

Madaxweynaha JFS ayaa Kulan La Qaatay Wasirrada XFS iyo Xildhibaannada Labada Aqal Ee Baarlamaanka Dalka Ee Ku Sugan Magaalada Baydhabo.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Madaxaweynaha JFS oo qaabilay duqa magaalada Baydhabo

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...