Xafiiska Xeer Ilaaliyaha oo Maxkamadda Gobolka Banaadir horgeeyay eedeysane loo heysto maalgelinta argagixisada iyo lacag dhaqista

Date:

Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka ayaa Maxkamadda Gobolka Banaadir horgeeyay eedeysane Ramadaan Caydaruus Cali, kaasi oo loo heysto dambiyo la xiriira maalgelinta argagixisada iyo lacag dhaqista.

Sida lagu sheegay warbixinta hordhaca ah ee uu soo gudbiyay xafiiska Xeer Ilaaliyaha, baaritaan hordhac ah oo lagu sameeyay akoonka eedeysanaha ayaa lagu ogaaday lacag fara badan oo la tuhunsan yahay in loo adeegsaday maalgelinta falal ka dhan ah amniga qaranka.

Maxkamadda, kadib markii ay ku qanacday warbixintaasi hordhaca ah, ayaa ku amartay in eedeysanaha lagu hayo xabsi ku-meel-gaar ah inta baaritaanku socdo, si loo dhammeystiro gal-dacwadeedka loo haysto.

Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka ayaa mar kale adkeeyay go’aankiisa ah in si adag loola dagaallamo maalgelinta argagixisada iyo dhaqidda lacagaha sharci darrada ah, isagoo digniin adag u diray cid kasta oo ku lug leh falal noocaas ah in lala tiigsan doono sharciga, islamarkaana lagu marsiin doono caddaaladda.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Maareeyaha Dekedda Muqdisho oo la kulmay wafdi ka socday Dalka Sudan.

Maareeyaha Guud ee Dekadda Muqdisho Danjire Maxamed Cali Nuur...

Wasiir Xasan Macallin “Xeerka Ciqaabta Soomaaliya waxaa uu la jaanqaadayaa diinta islaamka”.

Wasiirka Cadaaladda iyo Dastuurka XFS Xasan Macallin Maxamuud oo...

Guddiga Doorashooyinka oo ku shaaciyay liiska musharaxiinta ee golaha deegaanka.

Guddigga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Sohdimaha.isagoo gudanaya...

Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya oo ka qeyb galay TRIPOLI MEDIA DAYS.

Tripoli, 11  December 2025: Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska...