Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo nuqul ka mid ah warqadaha aqoonsiga danjirannimo ka guddoomay Safiirka cusub ee Ghana

Date:

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali, ayaa maanta oo Isniin ah, xafiiskiisa Wasaaradda ee Caasimadda Muqdisho, kaga guddoomay nuqul ka mid ah warqadaha aqoonsiga danjirannimo Safiirka cusub ee Jamhuuriyadda Ghana u qaabilsan Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Dr. Robert Afriyie.

Wasiir Cabdisalaam ayaa si diirran u soo dhoweeyay Danjire Afriyie oo guda-galaya howlaha loo igmaday, isaga oo diiradda saaray xiriirka saaxiibtinimo iyo is-fahanka dhexeeya labada dal ee saaxiibada ah, carabaabayna rajada uu ka qabo soo banbixinta dhabbooyin iyo habab cusub oo kor loogu qaadayo xiriirka iyo iskaashiga labo dhinac laha.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Safiirka JFS ee dalka Hindiya oo xabsiga ku booqday Muwaadiniin Soomaaliyeed oo muddo ku xiran

Safiirka Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee dalka Hindiya ayaa...

Duqa Muqdisho oo kormeer shaqo ku tagay Xarunta Agaasinka Waxbarashada Gobolka Banaadir

Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Dr....

Hodan oo ku soo baxday tartanka Ramadaan iyo jadwalka wareegga Afar dhamaadka oo la sameeyay

Degmada Hodan oo ka tirsan Gobolka Banaadir ayaa u...

Ex-Dable NISA Mukhtaar Shakuur Amiin oo dil toogasho ah lagu xukumay

Dable NISA Mukhtaar Shakuur Amiin, ayaa lagu edeeyay dilka...