Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo dhagax dhigay Ceelal biyood laga hirgelinayo Gobolka Bakool

Date:

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), ayaa dhagax dhigay mashruuc ceelal biyood looga hirgelinayo magaalada Xudur iyo deegaanada kale ee gobolka Bakool.

Guddoomiyaha oo ay wehliyaan Wasiirka Wasaaradda Xanaanada Xoolaha, Dhirta iyo Daaqa ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, maamulka gobolka Bakool iyo kan degmada Xuddur, ayaa si rasmi ah u dhagax dhigay ceel biyood lagu qodayo magaalada Xuddur, mashruucaas oo qeyb ka ah dadaallada horumarineed ee laga wado gobolka.

Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe ayaa sheegay in ceelkan uu si gaar ah u hirgelinayo, uuna ugu talagalay in bulshada deegaanka ay si toos ah uga faa’iideystaan, isla markaana uu wax weyn ka tari doono baahida biyaha ee ka jirta magaalada Xuddur.

Qodista ceelka riiga ah ayaa si rasmi ah u bilaaban doonta maalmaha soo socda, iyadoo la filayo inuu wax weyn ka beddelo nolol maalmeedka dadka deegaanka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Madaxweynaha JFS ayaa Kulan La Qaatay Wasirrada XFS iyo Xildhibaannada Labada Aqal Ee Baarlamaanka Dalka Ee Ku Sugan Magaalada Baydhabo.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Madaxaweynaha JFS oo qaabilay duqa magaalada Baydhabo

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Hoggaamiyaha KMG ee Koonfur Galbeed oo Baydhabo kulan kula qaatay masuuliyiin sare

Hoggaamiyaha ku meel gaarka ah ee Dowladda Koonfur Galbeed...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo guddoomiyey shirka amniga Koofur Galbeed

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ahna Taliyaha Guud ee Ciidamada...