Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo booqasho Ku tegay Magaalada Xuddur

Date:

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), iyo wafdi uu hoggaaminayo oo ka kooban wasiiro iyo xildhibaano, ayaa soo gaaray magaalada Xuddur, xarunta gobolka Bakool.

Wafdiga Guddoomiyaha waxaa garoonka diyaaradaha ee Xudur si diirran ugu soo dhaweeyay Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen), wasiirro iyo xildhibaano ka tirsan maamulka Koonfur Galbeed, odayaasha dhaqanka iyo qaybaha kala duwan ee bulshada magaalada Xuddur.

Inta uu ku sugan yahay magaalada Xuddur, Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa la filayaa inuu kulamo la yeesho maamulka gobolka Bakool, kan degmada Xudur, odayaasha dhaqanka, iyo saraakiisha ciidamada, si uu xog-ogaal ugu noqdo xaaladaha deegaanka iyo sidii loo xoojin lahaa dowladnimada iyo amniga.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Musharixiinta u taagan kursiga HOP204 oo qaatay shahaadada Musharxnimo

Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha ayaa...

Madaxweynaha JFS ayaa Kulan La Qaatay Wasirrada XFS iyo Xildhibaannada Labada Aqal Ee Baarlamaanka Dalka Ee Ku Sugan Magaalada Baydhabo.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Madaxaweynaha JFS oo qaabilay duqa magaalada Baydhabo

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...