Wasiir Biixi oo Muqdisho ka furay shir Madaxeedka hal abuurka ganacsiga Soomaaliyeed

Date:

Wasiirka Maaliyadda XFS mudane Xildhibaan Biixi Imaan Cige ayaa maanta magaalada Muqdisho ka daah-furay, shir Madaxeedka shanaad ee hal abuurka ganacsiga Soomaaliyeed.

Shirweynahan waxaa diirada lagu saarayaa hormarinta kaabayaasha dhaqaalaha, hal abuurka ganacsiga, kordhinta daqliga, dhiirigelinta ganacsiyada yar yar iyo kor u qaadida ganacsiga haweynka Soomaaliyeed.

Shir Madaxeedka shanaad ee hal abuurka ganacsiga Soomaaliyeed, sidoo kale waxaa ka qeyb Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta Maalgashiga iyo Hormarinta Dhaqaalaha Xildhibaan C/raxmaan Beene Beene, Wasiirka Wasaaradda waxbarashada Faarax Sheekh C/qaadir, Wasiirka Wasaaradda Batroorka iyo kheyraadka macdanta daahir shire gudoomiyaha golaha dhaqaalaha Qaranka Xasan Aadan Hoosow iyo Xildhibaano ka tirsan labada Gole ee Baarlamaanka dalka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Amniga Gudaha XFS oo xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Dowladda Switzerland u qaabilsan Soomaaliya

Wasiirka Amniga Gudaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdullaahi...

Wasiiru-Dowlaha Arrimaha Dibadda oo kulan la yeeshay UNTMIS si loo dardargeliyo geeddi-socodka kala-guurka

Muqdisho, 8 Abriil 2026 Mudane Cali Maxamed Cumar, Wasiiru-Dowlaha...

Hoggaamiyaha Koonfur Galbeed oo kormeer ku tegay xarunta maamulka Baydhabo

Baydhabo, Abriil 08, 2026: Hoggaamiyaha ku-meelgaarka ah ee Dowlad...

Soomaaliya oo u diyaar-garowbaysa helitaanka maalgelinta cimilada

Xafiiska Sanduuqa Qaran ee Cimilada Soomaaliya (National Climate Fund...