Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Dowladda Talyaaniga ee Soomaaliya

Date:

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa Aqalka Dowladda Hoose ee Xamar ku qaabilay Safiirka Dowladda Talyaaniga ee Soomaaliya Mudane Pier Mario Dacco’ Coppi, iyagoona ka wada-hadlay muhiimadda ay leedahay iskaashiga Dowladaha Hoose iyo xiriir dhex mara Maamulka Gobolka Banaadir iyo Gobolka Lambardia ee dalka Talyaaniga.

Duqa Muqdisho ayaa bogaadiyay kaalinta taariikhiga ah ee ay Dawladda Talyaaniga ka geysato dib-u-dhiska dalka, taageeridda dadaallada xasilinta Soomaaliya, asigoona tilmaamay in xiriir dhex mara Maamulka Gobolka Banaadir iyo Gobolka Lambardia ee Caasimadda Roma ku taal uu gacan weyn ka geysan karo is-dhaafsiga khibrado iyo aqoon waxtar u leh hirgelinta qorshayaasha waxqabad ee Maamulka Gobolka iyo Dowladda Hoose ee Muqdisho.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa la wadaagay Danjiraha Talyaaniga arrimaha hortebinta u leh Maamulka Gobolka Banaadir, gaar ahaan horumarinta iyo dib-u-hawlgelinta kaabayaasha, dhismaha waddooyinka, bullaacadaha, biyo-mareennada, arrimaha waxbarashada, caafimaadka iyo xoojinta nidaamka maamulka iyo maaliyadda.

Danjiraha Talyaaniga Mudane Pier Mario Dacco’ Coppi, ayaa ka mahadceliyay soo-dhaweynta diiran ee loogu sameeyay Aqalka Dawladda Hoose, waxa uuna dhiirrigeliyay dadaalka Maamulka Gobolka Banaadir iyo guud ahaan Dowladda Soomaaliya ee dib-u-dhiska, nabadaynta iyo la-dagaalanka Argagaxisada, isaga oo ballanqaaday in joogitaanka Talyaaniga ee gudaha Soomaaliya uu wax badan ka tari doono ka-miro-dhalinta dadaalladaas heerarka kala duwan ah.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Taliyaha Ciidanka Dhulka oo kormeer dhiirrigelin ah ku tegay deeganka Gendershe

Taliyaha Ciidanka Dhulka ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa...

Wasaaradda Qoyska oo New York ku qabatay kulan ballaaran oo ku saabsan horumarinta haweenka Soomaaliyeed

Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka ayaa magaalada New...

Mashruuca Zakaatul Fitriga oo si rasmi ah loo soo gabagabeeyey maalintiisii labaad

Xarunta Boqor Salmaan ee Gargaarka iyo Hawlaha Bani’aadannimada, iyadoo...

DfS oo war kasoo saartay arrinta dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta ee Dowladda Federaalka...