Raโ€™iisul Wasaare Xamsa oo xafiiskiisa ku qaabilay Ku-xigeenka Agaasimaha Guud ee Hawlgallada Heyโ€™adda (IOM)

Date:

Raโ€™iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Ku-xigeenka Agaasimaha Guud ee Hawlgallada Heyโ€™adda (IOM) Marwo Ugochi Daniels, iyaga oo ka wada hadlay arrimo muhiim ah oo ku saabsan xoojinta wada shaqeynta iyo dardargelinta barnaamijyada ay ka fuliyaan dalka, iyada oo la is waafajinayo shaqooyinka ay qabtaan iyo Qorshaha Isbeddelka Qaranka ee (NTP 2025-2029).

Raโ€™iisul Wasaaraha, ayaa uga mahadceliyey Heyโ€™adda (IOM) taageerada kala duwan ee ay siiso Soomaaliya, waxa uuna xusay mudnaanta ay leedahay in ay sii xoojiyaan taageeradooda iyo fulinta mashaariic wax tar u leh dalka.

Dhankeeda, Ku-xigeenka Agaasimaha Guud ee Hawlgallada Heyโ€™adda (IOM) Marwo Ugochi Daniels, ayaa xustay sida ay uga goโ€™an tahay heyadda in ay sii wadaan taageerada iyo hirgelinta mashaariicda ay ka wadaan Soomaaliya.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale