Saraakiil ka tirsan Xafiiska hantidhowrka oo ka qalin jabiyey Henley Business School Africa

Date:

𝐗𝐚𝐟𝐢𝐢𝐬𝐤𝐚 𝐇𝐚𝐧𝐭𝐢𝐝𝐡𝐨𝐰𝐫𝐤𝐚 𝐆𝐮𝐮𝐝 𝐞𝐞 𝐉𝐅𝐒 waxa uu ku faraxsan yahay qalinjabinta afar xubnood oo ka tirsan Maamulka iyo Agaasinka Xafiiska Hantidhowrka Guud, oo uu ku jiro Kuxigeenka Hantidhowraha Guud ee dhinaca Baarista, kuwaas oo dhammeeyay Barnaamijka Diploma-da Sare ee Maamulka (Postgraduate Diploma in Management Practice).

Barnaamijkan, oo socday muddo sanad ah, waxa uu qayb ka yahay hal-abuurka Barnamijka Horumarinta Hoggaaminta Sare (Senior Leadership Development Programme – SLDP), oo ay si wadajir ah isaga kaashadeen Ururka Hay’adaha Hantidhowrka Guud ee (𝐀𝐅𝐑𝐎𝐒𝐀𝐈-𝐄) iyo 𝐇𝐞𝐧𝐥𝐞𝐲 𝐁𝐮𝐬𝐢𝐧𝐞𝐬𝐬 𝐒𝐜𝐡𝐨𝐨𝐥 𝐀𝐟𝐫𝐢𝐜𝐚, Johannesburg, South Africa.

Barnaamijkan heerka caalami ah waxa uu sare u qaadayaa dedaalada tayeynta hoggaaminta ee Hay’adaha Hantidhowrka, iyada oo la kobcinayo:

● Fahamka hoggaaminta guud iyo saameynta ay ku leedahay dowlad wanaagga

● Kartida lagu wajahayo xaaladaha adag iyo nidaamyada isku-dhafan (systems thinking)

● Hagaajinta hab-dhaqanka hay’adeed, hoggaaminta isbedellada iyo maaraynta waxqabadka

● Aragtida fog, anshaxa shaqada iyo daahfurnaanta lagu horumarinayo isla-xisaabtanka

Hantidhowraha Guud ee JFS, 𝐌𝐮𝐝𝐚𝐧𝐞 𝐀𝐱𝐦𝐞𝐝 𝐂𝐢𝐢𝐬𝐞 𝐆𝐮𝐮𝐭𝐚𝐚𝐥𝐞, waxa uu u arkaa qalinjabintan mid muhiim ah oo xoojinaysa dadaalka lagu adkeynayo “Korjoogteynta Maamulka iyo Maareynta Maaliyadda Guud, kuna saleysan hufnaan, mas’uuliyad, iyo adeeg dadweyne oo tayo leh.

Hantidhowraha Guud waxa uu uga mahadnaqaynaa AFROSAI-E iyo Henley Business School Africa kaalintooda wax-ku-oolka ah ee horumarinta iyo xirfadeynta Hay’adaha Hantidhowrka Guud.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Odayaasha Dhaqanka oo Muqdisho ku qabtay Dibadbax ay kaga soo horjeedaan Xadgudubka Israa’iil

Bannaanbax ballaaran oo looga soo horjeeday faragelinta iyo xadgudubka...

Ciidamada Xoogga Dalka oo gacanta ku dhigay keydad biyo ah oo ay lahaayeen Khawaarijta

Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa gacanta ku dhigay keydkii...

Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Dalka Beljimka oo ka bannaan-baxay aqoonsi beenaadka Israa’iil

Dadweynaha Soomaaliyeed ee deggan dalka Beljimka ayaa qabtay bannaanbax...

Xogta Xafiiska Hantdhowrka ee hufnaanta iyo qabashada Dakhliga Dowladda

Xafiiska Hantidhowrka Guud ee JFS ayaa maanta qabtay kulan...