Duqa Muqdisho oo degmada Heliwaa ka dhagax-dhigay 7 waddo oo interlock ah

Date:

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Mudane Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), ayaa xaafadda Suuqa Xoolaha ee Degmada Heliwaa ka dhagax-dhigay 7 waddo oo interlock ah, isla markaana xarigga ka jaray kuwo kale oo dhismahooda ay iska kaashadeen Maamulka Degmada, Ganacsatada, iyo Bulshada deegaanka.

Duqa Muqdisho ayaa bogaadiyay iskaashiga bulshada ee lagu dhisay waddooyinka, isagoo xusay muhiimadda ay u leeyihiin bilicda, ganacsiga, iyo horumarka degmada. Sidoo kale, wuxuu sheegay in Maamulka Gobolka Banaadir uu dib-u-dhis ku sameyn doono waddooyinka laamiga ah ee burbursan ee degmadaasi.

Guddoomiye Muungaab ayaa bulshada Degmada Heliwaa ku amaanay doorkooda firfircoon ee ku aaddan is-diiwaangelinta doorashooyinka tooska ah, isagoo ku dhiirrigeliyay inay sii xoojiyaan ka qaybgalka howlaha horumarineed ee caasimadda.

Munaasabadda waxaa ka qeybgalay Guddoomiye Ku-xigeenka Amniga iyo Siyaasadda Gobolka Banaadir, Mudane Maxamed Axmed Diiriye (Yabooh), Guddoomiyaha Degmada Heliwaa Mudane Mire Salaad Dhuxulow, Agaasimeyaal, iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Ciidanka Danab oo deegaanka Towfiiq ku qabtay laba dhagar-qabe

Ciidamada Kumaandooska Danab ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa...

Soomaaliya oo u Diyaargarowday Xuska Maalinta Caalamiga ah ee Xuquuqul Insaanka

Soomaaliya waxa ay si weyn ugu diyaargarowday xuska Maalinta...

Guddiga Doorashooyinka Qaranka oo Faahfaahiyay Horumarka Geeddi-socodka Doorashada Degmooyinka Banaadir

Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha (GMDQS),...

Warbixin: Muhiimadda Weyn ee Hannaanka Dawladnimo ee Hanaqaaday

Waxaa hubaal ah in su’aasha ah “Wax dhaama dawladnimada...