Wasiirka Kalluumeysiga XFS oo sheegay in ay taageerayaan cid kasta oo maalgashanaysa horumarinta dhaqaalaha badda

Date:

Wasiirka Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga ah ee XFS Mudane Axmed Xasan Aadan ayaa qaabilay ganacsato isugu jirta Soomaaliyeed iyo Koonfur Afrikaan, kuwaas oo ka qayb galay munaasabad lagu soo bandhigay fursadaha ballaaran ee ka jira kalluumeysiga dalka.

Wasiirka Wasaaradda Kalluumeysiga ayaa sheegay in sharciyada la xiriira ganacsiga kalluumeysiga la dhammeystiray, taas oo fududeynaysa in si rasmi ah loo hirgeliyo maalgashi gudaha dalka ah.

Wuxuu xusay wasiirku in wasaaraddu diyaar u tahay in ay taageerto dhamaan dhinacyada u baahan maalgashiga, sida dekadaha, qaboojiyeyaasha, doomaha kalluumeysiga iyo agabka kale ee muhiimka u ah horumarinta dhaqaalaha badda.

Wasiirka ayaa tilmaamay in dowladda Shiinaha ay si gaar ah u cafisay canshuurta gudaha ee kalluunka laga dhoofiyo Soomaaliya, haddii shirkadda dhoofinaysa ay leedahay Soomaali ama ay wada leeyihiin Soomaali iyo ajaanib, wuxuuna arrintan ku tilmaamay fursad muhiim ah oo u baahan in laga faa’iideysto.

Kulankan ayaa qeyb ka ah dadaallada joogtada ah ee wasaaradda ku dooneyso in la xoojiyo iskaashiga ganacsi ee u dhexeeya Soomaaliya iyo saaxiibada caalamiga ah.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Markabkii Shidaalka qodayay oo soo gaaray Muqdisho

Waxaa saaka xeebta magaalada Muqdisho soo gaaray markabka qodista...

Wasiirka Amniga Gudaha XFS oo xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Dowladda Switzerland u qaabilsan Soomaaliya

Wasiirka Amniga Gudaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdullaahi...

Wasiiru-Dowlaha Arrimaha Dibadda oo kulan la yeeshay UNTMIS si loo dardargeliyo geeddi-socodka kala-guurka

Muqdisho, 8 Abriil 2026 Mudane Cali Maxamed Cumar, Wasiiru-Dowlaha...

Hoggaamiyaha Koonfur Galbeed oo kormeer ku tegay xarunta maamulka Baydhabo

Baydhabo, Abriil 08, 2026: Hoggaamiyaha ku-meelgaarka ah ee Dowlad...