Wasiirka arrimaha dibadda XFS oo ugu baaqay qurbajoogta in ay taageeraan ciidamada qalabka sida

Date:

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali,ayaa ka hadlay kaalinta muhiimka ah ee qurba-joogta Soomaaliyeed ay qaadanayeen soddonkii sano ee la soo dhaafay.

Wasiirka oo hadal ka jeediyay xalay munaasad ay abaabushay waaxda qurbajoogta iyo Jaaliyadaha ee Wasaaradda ayaa dib u milicsaday dhibaatadii ka dhalatay burburkii dowladdii dhexe ee sanadkii 1991-kii.

Wuxuu bogaadiyay wasiirku taageerada muuqata ee qurbajoogta Soomaaliyeed ay ku garab-istaageen dalka iyo dadka xilligii adkaa ee dagaalada , barakaca iyo abaaraha, isaga oo xusay garab-istaaggooda dalka muddadii 35-sano.

Wasiirka ayaa daaha ka qaaday in Wasaaraddiisu ay ku guda-jirto dhisidda dhismo ballaaran oo u gaar ah arrimaha qurbajoogta oo la filayo inuu ku soo dhammaado muddo shan bil gudahooda, martigelin doonana shirarka rasmiga ah, munaasabadaha iyo barnaamijyada qurbajoogta.

Wasiirka ayaa xusay in ay qorshaynayaan qabanqaabada hindiseyaal muhiim ah oo ay ka mid yihiin shirka sannadlaha ah ee maalgashiga qurba-joogta iyo shirka “Habeenka Qurbajoogga” oo ujeeddadiisu tahay xoojinta xiriirrada iyo sare-u-qaadidda wada-shaqaynta.

Wasiirku ayaa sidoo kale hoosta ka xariiqay kaalinta lama-huraanka ah ee qurba-joogta ay ku leeyihiin taakuleynta ciidamada qalabka sida ee Soomaaliyeed, isagoo sheegay in taageeriddooda amniga qaranka ay la mid tahay taageerada ay u hayaan qoysaskooda, ayna weli lagama maarmaan u tahay ilaalinta nabadda iyo xasilloonida dalka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Amniga Gudaha XFS oo xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Dowladda Switzerland u qaabilsan Soomaaliya

Wasiirka Amniga Gudaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdullaahi...

Wasiiru-Dowlaha Arrimaha Dibadda oo kulan la yeeshay UNTMIS si loo dardargeliyo geeddi-socodka kala-guurka

Muqdisho, 8 Abriil 2026 Mudane Cali Maxamed Cumar, Wasiiru-Dowlaha...

Hoggaamiyaha Koonfur Galbeed oo kormeer ku tegay xarunta maamulka Baydhabo

Baydhabo, Abriil 08, 2026: Hoggaamiyaha ku-meelgaarka ah ee Dowlad...

Soomaaliya oo u diyaar-garowbaysa helitaanka maalgelinta cimilada

Xafiiska Sanduuqa Qaran ee Cimilada Soomaaliya (National Climate Fund...