Ra’iisul wasaare Xamsa: “Qurbajoogta Soomaaliyeed waxa ay laf-dhabar u yihiin Hiigsiga 2060 ee Soomaaliya”

Date:

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa sheegay in Qurbajoogta Soomaaliyeed ay udub dhexaad u yihiin horumarka dalkooda, loogana fadhiyo in ay xoojiyaan doorka kaga aaddan garab istaagga ciidanka qalabka-sida iyo hirgelinta doorashooyinka awoodda loogu celinayo bulshada, si loo xaqiijiyo xuquuqda aasaasiga ah ee muwaadiniinta Soomaaliyeed ay u leeyihiin in ay wax doortaan, lana doorto.

“Qurbajoogta Soomaaliyeed waxa ay laf-dhabar u yihiin Hiigsiga 2060 ee Soomaaliya, oo ah qorshe diirradda saaraya horumarinta dhaqaalaha, amniga iyo casriyeynta hey’adaha dowladda.

Waxaa la idinka rabaa in aad xoogga saartaan midnimada dalkeenna oo marar badan halis gashay. Waxaa la idinka doonayaa in aad isku xirnaataan, oo aad qeyb ka noqotaan dhismaha dowladnimada, doorashada iyo difaaca.”Ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre.

Ra’iisul Wasaaraha, oo ka qeyb galay munaasabad ku aaddan doorka Qurbajoogta Soomaaliyeed ee garab istaagga dowladda iyo taakuleynta ciidanka qalabka sida oo hal-ku dhiggeedu ahaa difaac iyo doorasho, ayaa tilmaamay in Xukuumadda DanQaran ay door wayn ku leeyihiin qurbajoogto, taas oo muujinaysa kaalintooda lagama maarmaanka ah ee ay ku leeyihiin dalka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Amniga Gudaha XFS oo xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Dowladda Switzerland u qaabilsan Soomaaliya

Wasiirka Amniga Gudaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdullaahi...

Wasiiru-Dowlaha Arrimaha Dibadda oo kulan la yeeshay UNTMIS si loo dardargeliyo geeddi-socodka kala-guurka

Muqdisho, 8 Abriil 2026 Mudane Cali Maxamed Cumar, Wasiiru-Dowlaha...

Hoggaamiyaha Koonfur Galbeed oo kormeer ku tegay xarunta maamulka Baydhabo

Baydhabo, Abriil 08, 2026: Hoggaamiyaha ku-meelgaarka ah ee Dowlad...

Soomaaliya oo u diyaar-garowbaysa helitaanka maalgelinta cimilada

Xafiiska Sanduuqa Qaran ee Cimilada Soomaaliya (National Climate Fund...