Wasiirka Beeraha oo daah furay tababar 30-dhallinyaro ah lagu barayo cilad bixinta iyo ku shaqeenta cagafta

Date:

Wasiirka Wasaarada Beeraha iyo Waraabka JFS Xil. Mohamed Abdi Hayir ayaa daah furay barnaamijka tababarka farsmada gacanta ee cagafyada kaas oo 30 dhalinyaro lagu bari doono cilad bixinta iyo ku shaqeenta cagafta.

Tababarkaan oo ay iska kaashan doonaan wasaarada Beeraha iyo Waraabka JFS, shirkada Gaalooge iyo shirkada CASE IH ee dalka Italy ayaa socon doono mudo lix bilood ah.

Wasaarada Beeraha iyo Waraabka Jamuuriyada Fadaralka Somaliya iyo Shirkada Gaalooge ayaa kala saxiixday heshiis is-afgarad ah oo lagu xoojinaayo iskaashiga labada dhinac ee tababarka farsama yaqaanada, bandhigyada iyo tijaabinta qalabka beeraha iyo hormarinta tiknoolijiyada beeraha dalka.

Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka JFS ayaa dadaal badan ku bixineysa sida loo soo saari lahaa dhalinyaro farsamo yaqaano iyo injineero beeraha ah kuwaas oo awood u leh inay xaliyaan caqabadaha beeralayda Soomaaliyeed ka heesta dhanka mashiinada iyo tiknoolijiyada beeraha.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Howllgal qorsheeysan oo CXD ka fuliyeen Shabeellada Dhexe

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed CXD ayaa fuliyay howlgallo amni...

Degmada Dhahar oo u gudubtay wareegga 2-aad ee tartanka bisha Ramadaan

Degmada Dhahar oo ka tirsan Gobolka Sanaag ayaa u...

Safiirka Soomaaliya ee Australia oo aqoonsiga laga guddoomay

Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u fadhin doona dalka Australia...

Madaxweynaha JFS oo markale cafis u fidiyay dhallinyarada la qalday ee ka tirsan Khawaarijta

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...