Wasiir Fiqi oo ka qeyb-galay  munaasabadda xil-wareejinta Taliyaha cusub ee EUTM    

Date:

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi, ayaa maanta ka qeyb galay munaasabad uu xilka kula wareegayay Taliyaha cusub ee Hawlgalka Tababarka Midowga Yurub (EUTM – Somalia), General Marco Manzone.

Wasiirka ayaa taliyaha cusub ugu hambalyeeyay xilka loo igmaday, isagoo u rajeeyay guul iyo inuu sii xoojiyo iskaashiga dhanka tababarka iyo tayeynta Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

Sidoo kale, Wasiir Fiqi ayaa uga mahadceliyay Taliyaha xilka wareejiyay, General Giusseppe Zizzari, dadaalkii iyo hoggaamintii wanaagsanayd ee uu muujiyay intii uu xilka hayay, gaar ahaan doorkiisii muuqday ee horumarinta iskaashiga milatari ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Midowga Yurub.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Musharixiinta u taagan kursiga HOP204 oo qaatay shahaadada Musharxnimo

Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha ayaa...

Madaxweynaha JFS ayaa Kulan La Qaatay Wasirrada XFS iyo Xildhibaannada Labada Aqal Ee Baarlamaanka Dalka Ee Ku Sugan Magaalada Baydhabo.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Madaxaweynaha JFS oo qaabilay duqa magaalada Baydhabo

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...