Masuuliyiin bogaadiyeen Ololaha Is-diiwaangalinta doorashooyinka oo ka socda Muqdisho 

Date:

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Amniga ee Xukuumadda Federaalka, Maxamed Cali Xagaa, iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa ka qeybgalay xaflad ka dhacday degmada Kaaraan oo lagu maamuusayey ololaha isdiiwaangalinta ee doorashooyinka soo socda.

Wasiir Xagaa oo ka hadlay xafladda ayaa ka waramay ahmiyadda isdiiwaangalintu u leedahay doorashooyinka qof iyo cod ah, isagoo sheegay in loo baahan yahay in si masuuliyadi ku dheehan tahay looga shaqeeyo dhameystirka waqtiga kama dambeysta ah ee ololaha.

“In degmada Kaaraan uu ka socdo olole doorasho waa guul. Dadkana waxaan leeyahay: isdiiwaangeliya meel kasta oo aad joogtaan,” ayuu yiri Wasiir Xagaa.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, Maxamed Xasan Xuseen Muungaab, oo isna hadal ka jeediyay xafladda, ayaa xusay in maamulka gobolka uu xoojiyay taageerada ololaha isdiiwaangalinta, isagoo carabka ku dhuftay in doorkooda uu yahay fududeynta goobaha diiwaangalinta iyo wacyigelinta bulshada.

Waxaa sidoo kale xafladda ka qaybgalay Guddoomiye Ku-xigeenka Amniga iyo Siyaasadda Gobolka Banaadir, Mudane Maxamed Axmed Diiriye (Yabooh), iyo mas’uuliyiin kale.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Madaxweynaha JFS oo markale cafis u fidiyay dhallinyarada la qalday ee ka tirsan Khawaarijta

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Soomaaliya oo cambaareysay weerarrada argagixiso ee ka dhacay Gobolka Zamfara, Nigeria.

Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay si kulul u cambaareyneysaa weerarrada...

Degmada Gubadley oo u gudubtay wareega labaad ee tartan cilmiyeedka warbaahinta Qaranka

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii lix iyo...

Biyo-dhaamin loo sameeyay qoysaska ay saameysay abaarta ka jirta qeybo ka mid ah dalka

Hey’adda Xasan Kobac Foundation oo wakiil ka ah Sanatar...