Wasiirka Arrimaha Gudaha Hirshabeelle iyo Maareeyaha NIRA oo kormeeray Xarunta Cusub ee Jowhar

Date:

Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Dowlad-goboleedka Hirshabeelle, Mudane Cabdirahman Daahir Guure (Karoorre) iyo Maareeyaha Guud ee Hay’adda NIRA, Mudane Cabdiweli Cali Cabdulle (Timacadde) ayaa maanta si wadajir ah u kormeeray xarunta cusub ee Hay’adda NIRA ee Jowhar.

Kormeerkan ayaa qeyb ka ah diyaargarowga furitaanka rasmiga ah ee laanta Hirshabeelle ee NIRA, iyadoo la filayo in maalmaha soo socda si rasmi ah xarigga looga jaro. Ujeedada kormeerka ayaa ahayd in lagu qiimeeyo heerka uu marayo diyaar-garowga xarunta iyo habsami u socodka howlaha la xiriira bixinta adeegyada muwaadiniinta.

Maareeyaha Guud ee Hay’adda NIRA, Mudane Cabdiweli Cali Cabdulle (Timacadde) ayaa xusay in dhawaan la furi doono xarumo cusub oo NIRA ay ku yeelanayso  magaalooyinka Baladweyne, Balcad, iyo Buulo-Burde, si loo dardargeliyo adeegyada diiwaangelinta iyo bixinta Kaarka Aqoonsiyada Qaranka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Musharixiinta u taagan kursiga HOP204 oo qaatay shahaadada Musharxnimo

Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha ayaa...

Madaxweynaha JFS ayaa Kulan La Qaatay Wasirrada XFS iyo Xildhibaannada Labada Aqal Ee Baarlamaanka Dalka Ee Ku Sugan Magaalada Baydhabo.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Madaxaweynaha JFS oo qaabilay duqa magaalada Baydhabo

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...