R/W Xamse oo faray hey’adaha dowladda inay gurmad gaarsiyaan dadka Gobolka Awdal 

Date:

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo maanta yeeshay kulankoodii todobaadlaha ahaa, ayaa ka hadlay sidii loogu gurman lahaa dadka ay abaartu saameysay ee gobolka Awdal, gaar ahaan degmooyinka Saylac, lughaya iyo tuulooyinka hoos yimaada, iyada oo warbixin ku saabsan sameynta abaarta iyo heerarka ay gaarsiisan tahay laga dhageystay Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo hey’adda Sodma, kuwaas oo soo bandhigay wax yeellada abaarta ay gaarsiisey dadka, xoolaha iyo wax-soo saarka.

Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre, oo guddoomiyey kulanka golaha, ayaa faray hey’adaha Xukuumadda ee ku shaqada leh in ay u istaagaan wax-ka qabashada xaaladda abaarta xooggan ee ka jirta deegaannadaasi iyo sidii gurmad deg deg ah loo gaarsiin lahaa bulshda, iyada oo goluhu ugu baaqay bulshada Soomaaliyeed iyo hey’adaha caalamiga ah in ay qeyb ka noqdaan gurmadka loo fidinayo dadka ay abaartu saamaynta ku yeelatay.

Golaha Wasiirrada, ayaa Wasiirka Maaliyadda XFS ugu hambalyeeyay in uu ku guuleystay abaal marinta Wasiirka Maaliyadda ugu wanaagsan Qaaradda Afrika, taasi oo ka tarjumaysa horumarka uu dalkeennu ka gaaray hannaanka dib-u-habeynta maamulka maaliyadda.

Golaha Wasiirada ayaa bogaadiyay Wasaaradda Warfaafinta oo ku guulaysatay in ay dalka ka hirgaliso Warlalis Casri ah (MEDIA SATELLITE TELEPORT), kaas oo u suurtagaliyay Warbaahinta Qaranka in ay tayayso adeegyadeeda Warbaahineed.

Dhanka kale, Golaha Wasiirrada, ayaa ansixiyey heshiis is afgarad ah oo ay soo gudbisay Wasaaradda Shaqada XFS, kaas oo u dhaxeeya dowladaha Soomaaliya iyo Turkiga, kuna saabsan iskaashiga shaqada, shaqo-siinta iyo horumarinta awoodaha shaqaalaha.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Madaxweynaha JFS oo markale cafis u fidiyay dhallinyarada la qalday ee ka tirsan Khawaarijta

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Soomaaliya oo cambaareysay weerarrada argagixiso ee ka dhacay Gobolka Zamfara, Nigeria.

Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay si kulul u cambaareyneysaa weerarrada...

Degmada Gubadley oo u gudubtay wareega labaad ee tartan cilmiyeedka warbaahinta Qaranka

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii lix iyo...

Biyo-dhaamin loo sameeyay qoysaska ay saameysay abaarta ka jirta qeybo ka mid ah dalka

Hey’adda Xasan Kobac Foundation oo wakiil ka ah Sanatar...