๐†๐จ๐ฅ๐š๐ก๐š ๐–๐š๐ฌ๐ข๐ข๐ซ๐ซ๐š๐๐š ๐จ๐จ ๐€๐ง๐ฌ๐ข๐ฑ๐ข๐ฒ๐š๐ฒ ๐‡๐ž๐ฌ๐ก๐ข๐ข๐ฌ๐ค๐š ๐ˆ๐ฌ๐ค๐š๐š๐ฌ๐ก๐ข๐ ๐š ๐’๐ก๐š๐ช๐š๐๐š ๐ž๐ž ๐’๐จ๐จ๐ฆ๐š๐š๐ฅ๐ข๐ฒ๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐“๐ฎ๐ซ๐ค๐ข๐ ๐š.

Date:

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, oo uu guddoominayay Raโ€™iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre, ayaa maanta ansixiyay heshiis is-afgarad ah oo ku saabsan iskaashiga dhinacyada shaqada, shaqo-siinta, iyo horumarinta awoodda shaqaalaha ee u dhexeeya dowladaha Soomaaliya iyo Turkiga, kaas oo ay soo gudbisay Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada.

Heshiiskan is-afgarad ayaa si gaar ah diiradda u saaraya horumarinta xirfadaha shaqaalaha, kor u qaadista fursadaha shaqo ee dhalinyarada, yareynta shaqo laโ€™aanta, iyo xoojinta iskaashiga laba geesoodka ah ee labada dal.

Heshiiskan ayaa markii hore ay labada wasaaradood kala saxiixdeen sanadkii 2016, balse weli si buuxda looma hirgelin. Ansixinta maanta la sameeyay ayaa dhabbaha u xaaraysa in heshiiska si rasmi ah loo fuliyo, iyadoo laga filayo in uu wax weyn ka beddelo xaaladda shaqo laโ€™aanta dalka, gaar ahaan dhalinyarada Soomaaliyeed.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo la kulmay Madaxa cusub ee UNHCR Soomaaliya

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-Heshiisiinta Xukuumadda Federaalka...

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo kulan la qaatay dhiggiisa Dalka Kuweyt

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda Federaalka...

Dibadbax ka dhan ah xadgudubka Israaโ€™iil oo ka dhacay Taallada Daljirka Dahsoon

Bannaanbax ka dhan ah faragelinta iyo xadgudubka YH-da Israโ€™il...

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo kulan-doceed la qaatay dhiggiisa dalka Masar

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga Mudane Cabdisalaan Cabdi...