𝐆𝐨𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐫𝐚𝐝𝐚 𝐨𝐨 𝐀𝐧𝐬𝐢𝐱𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬𝐤𝐚 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐚𝐪𝐚𝐝𝐚 𝐞𝐞 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐓𝐮𝐫𝐤𝐢𝐠𝐚.

Date:

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, oo uu guddoominayay Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre, ayaa maanta ansixiyay heshiis is-afgarad ah oo ku saabsan iskaashiga dhinacyada shaqada, shaqo-siinta, iyo horumarinta awoodda shaqaalaha ee u dhexeeya dowladaha Soomaaliya iyo Turkiga, kaas oo ay soo gudbisay Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada.

Heshiiskan is-afgarad ayaa si gaar ah diiradda u saaraya horumarinta xirfadaha shaqaalaha, kor u qaadista fursadaha shaqo ee dhalinyarada, yareynta shaqo la’aanta, iyo xoojinta iskaashiga laba geesoodka ah ee labada dal.

Heshiiskan ayaa markii hore ay labada wasaaradood kala saxiixdeen sanadkii 2016, balse weli si buuxda looma hirgelin. Ansixinta maanta la sameeyay ayaa dhabbaha u xaaraysa in heshiiska si rasmi ah loo fuliyo, iyadoo laga filayo in uu wax weyn ka beddelo xaaladda shaqo la’aanta dalka, gaar ahaan dhalinyarada Soomaaliyeed.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Warfaafinta oo kulan miro dhal ah la qaatay Danjiraha Shiinaha ee Soomaaliya

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya,...

Kulan ku saabsan u-diyaargarowga iyo ka hortagga cudurka Ebola oo ka furmay Muqdisho

Waxaa goor dhow ka furmay Xarunta Qaran ee Howl-gallada...

Taliye ku xigeenka Ciidanka Dhulka oo shir guddoomiyay kulan looga hadlayay amniga gobolka Bay

Taliye ku xigeenka Ciidanka Dhulka ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed,...

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo Xarigga ka jaray xarunta Cusub ee Degmada Shangaani

Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Dr....