Shirweynaha dhameystirka dowlad-goboleedka SSC-Khaatumo oo maalintiisa labaad galay

Date:

Dowladda Federaalka Soomaaliya oo ku guda jirto dhameystirka dhismaha maamulka SSC-Khaatumo ayaa shalay magaalada Laascaanood ka furtay shirweynaha Dhameystirka dowlad-goboleedka SSC-Khaatumo, kaas oo lagu bogaadiyey dadaallada Dowladda Federaalka ee ku aaddan dhameystirka maamulkaas.

Wasiirka Arrimaha Gudaha XFS Xildhibaan Cali Xoosh oo wakiill uga ah Dowladda Federaalka Soomaaliya Arrimaha dhameystirka dowlad-goboleedkan cusub ee Waqooyiga Soomaaliya ayaa sheegay in bulshada SSC ay qaadtey go’aanka aayahooda, wuxuuna yiri” Bulshada SSC waxay qaadatey go’aan geesinimo leh oo ah in la dhiso dowlad-goboleed rasmi ah, dastuur leh, una adeegaysa rabitaanka shacabka, DFS-na waxay garab taagan tahay dadaalkaa.”

Wasiir Cali Xoosh ayaa isagoo ka hadlay aragtida Dowladda Federaalka ee SSC, wuxuuna yiri” Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay aaminsan tahay in xalka nabadda iyo horumarka deegaanada SSC lagu gaari karo oo keliya marka deegaamadaani helaan dowlad-goboleed dhameystiran oo si buuxda uga mid noqota nidaamka Federaalka ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya”.

Sido kale, Wasiir Cali Xoosh ayaa bogaadiyay doorka hoggaanka dhaqanka isagoo yiri”Isimada dhaqanka, waxaan si gaar ah ugu mahadcelinayaa doorkooda, waxaanan ku boorinayaa in ay sii xoojiyaan hoggaaminta nabadda iyo guusha shirweynaha.”

Wasiir Xoosh ayaa baaq u diray bulshada SSC, isagoo yiri ”Waxaan baaq iyo dardaaran u dirayaa dhammaan qeybaha bulshada sida; isimada, cuqaasha, siyaasiyiinta, aqoonyahanka, haweenka iyo dhalinyarada, si ay u ilaashaan nabadda, u hoggaansamaan nidaamka, kana shaqeeyaan dowladnimadda iyo horumarka.

Dhamaan, Siyaasiinta, waxgaradka iyo Ergada ka soo qeyb-gashay shirweynahan ee munaasabadda furitaanka ka hadashay ayaa is-dul-istaagay ahmiyadda shirweynahan lagu dhameystirayo SSC Khaatumo, kuwaas oo sheegay in qeyb wayn uu ka qaadan doono dowlad dhiska casriga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, islamarkaana horseedeya wadajirka dhuleed Soomaaliya.

Hirgelinta dowlad goboleedka SSC Khaatumo ayaa loo arkaa mid muhiim u ah adkaynta wadajirka dhuleed ee Jamhuuriyadda Soomaaliya, waxaana Dowladda Federaalka lagu bogaadiyey dadaallada ku aadan nidaam u sameynta gobollada Sool iyo Sanaag kuwaas oo taariikh facayn ku leh gayiga Dalka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo khadka taleefoonka kula hadlay dhiggiisa Singapore. 

Mudane Cabdisalaam Cabdi Cali, Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga...

18 Khawaarij ah oo lagu dilay howlgal qorshaysan oo laga fuliyay Saakow.

Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo kaashanaya saaxiibada caalamka, gaar...

Guddoomiyaha Sh/Dhexe oo gaaray Wargaadhi kadib jabkii Khawaarijta.

Guddoomiyaha Gobolka Shabeellada Dhexe Maxamuud Maxamed Nuur iyo Taliyaha...

Taliyaha Ciidanka Dhulka oo kormeer uga tagay Ciidamo ku sugan Matabaan.

Taliyaha Ciidanka Dhulka ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Janaraal Sahal...