๐’๐ก๐ข๐ซ๐ค๐ข๐ข ๐Ÿ๐Ÿ“-๐š๐š๐ ๐–๐š๐ฌ๐ข๐ข๐ซ๐š๐๐š ๐Œ๐š๐š๐ฅ๐ข๐ฒ๐š๐๐๐š ๐ž๐ž ๐Œ๐š๐๐š๐ฌ๐ก๐š ๐ˆ๐ฌ๐ค๐š๐š๐ฌ๐ก๐ข๐ ๐š ๐ƒ๐š๐ฅ๐š๐ฅ๐ค๐š ๐†๐ž๐ž๐ฌ๐ค๐š ๐€๐Ÿ๐ญ๐ข๐ค๐š ๐จ๐จ ๐ค๐š ๐…๐ฎ๐ซ๐ฆ๐š๐ฒ Dalka Kenya

Date:

Wasiirka Maaliyadda Xukumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Biixi Imaan Cige ayaa maanta shir-guddoominaya kulankan ay yeelanayaan Wasiirada Maaliyadda Madasha dalalka geeska Afrika oo sanadkani ay Dowladda Soomaaliya shir-guddoon ka tahay, kaas oo maanta ka furmay Magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

Wasiirka Maaliyadda XFS Mudane Biixi Imaan Cige oo khudbad ka jeediyay shirka ayaa sheegay in hirgalinta qorshayaasha casriga ah ee hannaanka dhijitaalka ah uu qeyb wayn ka qaadan karo horumarinta dhaqaalaha, shaqo abuurka iyo isku xirnaanta dalalka geeska.

Kulankani ayaa diiradda lagu saarayaa sidii dalalka geeska afrika ay isaga kaashan lahaayeen horumarinta is-dhaxgalka adeegyada dhijitaalka ah (๐‘ซ๐’Š๐’ˆ๐’Š๐’•๐’‚๐’ ๐‘ฐ๐’๐’•๐’†๐’ˆ๐’“๐’‚๐’•๐’Š๐’๐’ ๐’Š๐’ ๐’•๐’‰๐’† ๐‘ฏ๐’๐’“๐’ ๐’๐’‡ ๐‘จ๐’‡๐’“๐’Š๐’„๐’‚) oo muhiim u ah Bulshada Gobolka Geedka Afrika, maadaama dunida oo dhan ay la sii jaanqaadayso horumarka xiliga casriga ah oo lagu tartamayo hannaanka dhijitaalka.

Madashan Iskaashiga ah ayaa inta badan diiradda lagu saaraa sidii loo horumarin lahaa danaha iyo is-dhexgalka dalalka Geeska Africa.

 

 

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddoonka labada Aqal ee BFS oo ganaaxay Xildhibaanno qalalaaso ka sameeyay fadhigii wadajirka ahaa

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane...

Qaabilaadihii dublumaasiyiinta iyo Difaaca Qaranka

Raโ€™iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi...

Booliska Soomaaliya oo xiray dhalinyaro ku Eedeysan qalqal-gelin amni

Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, gaar ahaan saldhigga degmada Hodan, ayaa...

Horjoogaal Khawaarijta ka tirsan oo lagu khaarijiyay howlgal laga fuliyay Gobolka Hiiraan

Ciidanka Xoogga Dalka ayaa howlgal qorsheysan ka sameeyay deegaanka...