Madaxweyne ku-xigeenka Galmudug oo Guddoomiyaha SODMA uga waramay xaaladda bini’aadanninimo ee Galmudug

Date:

Madaxweyne Ku-xigeenka Galmudug Cali Daahir Ciid iyo Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka ee (SoDMA), Maxamuud Macalin Cabdulle oo ku kulmay xarunta dhexe ee hay’adda ayaa kawada hadlay xaaladaha adag ee bani’aadannimo ee ka jira qaar ka mid ah deegaannada Galmudug, gaar ahaan kuwa ku dhow xuduudda Itoobiya.

Madaxweyne ku-xigeenka Galmudug ayaa sheegay in dad badan ay wajahayaan dhibaatooyin nololeed oo u baahan gargaar degdeg ah, isagoo codsaday in si dhaqsi leh loo gaarsiiyo taageero bani’aadannimo.

Sidoo kale labada masuul ayaa kulankooda diirada ku saaray muhiimadda ay leedahay horumarinta dhaqaalaha deegaanka, iyagoo xusay fursadaha dhinaca xoolaha ee Galmudug ka jira. Madaxweyne Cali Daahir Ciid ayaa soo jeediyay in laga shaqeeyo dhismaha warshad casri ah oo lagu qalo, laguna keydiyo hilibka xoolaha, taas oo sida uu sheegay, wax weyn ka tari doonta kobaca dhaqaalaha iyo fursadaha shaqo ee bulshada.

Dhankiisa, Guddoomiye Maxamuud Macalin Cabdulle ayaa ballan qaaday in SoDMA ay si degdeg ah u gaarsiin doonto gargaar dadka ay saameeyeen xaaladaha adag, isagoona muujiyay in hay’adda SoDMA ay diyaar u tahay la shaqeynta maamulka Galmudug, si loo hirgeliyo warshadda xoolaha, wuxuuna sheegay in dadaalladaas lagu taageeri doono iskaashi caalami ah iyo dowladaha saaxiibka la ah Soomaaliya.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Hoggaamiyaha ku-meel-gaarka ah ee KGS oo ka qeyb-galay dhaarinta Wasiirka Amniga Gudaha KGS

Baydhabo, Abriil 9, 2026: Hoggaamiyaha ku-meel-gaarka ah ee Dowladda...

Markabkii Shidaalka qodayay oo soo gaaray Muqdisho

Waxaa saaka xeebta magaalada Muqdisho soo gaaray markabka qodista...

Wasiirka Amniga Gudaha XFS oo xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Dowladda Switzerland u qaabilsan Soomaaliya

Wasiirka Amniga Gudaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdullaahi...

Wasiiru-Dowlaha Arrimaha Dibadda oo kulan la yeeshay UNTMIS si loo dardargeliyo geeddi-socodka kala-guurka

Muqdisho, 8 Abriil 2026 Mudane Cali Maxamed Cumar, Wasiiru-Dowlaha...