NISA oo 13 Khawaarij ah ku dishay howlgal qorsheysan oo ka dhacay Shabeellaha Dhexe

Date:

Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) ayaa howlgallo qorsheysan ka fuliyay deegaannada Qoordheere, Xawaala-Kulan, Reydableey iyo magaalada Ceelbaraf ee gobolka Shabeellaha Dhexe, kuwaas oo lagu dilay 13 xubnood oo isugu jiray maleeshiyaad iyo horjoogayaal ka tirsanaa Khawaarijta.

Howlgalka ka dhacay deegaanka Qoordheere oo hoostaga degmada Raagaceelle, ayaa lagu beegsaday koox Khawaarij ah oo afartii maalmood ee u dambeysay isku abaabulayay halkaas. Intii uu socday howlgalka waxaa lagu dilay afar xubnood oo Khawaarij ah, waxaana la burburiyay teendhooyin iyo keyd hub ah oo ay geedaha hoostooda ku qarsadeen.

Dhanka kale, inta u dhaxeysa deegaannada Xawaala-Kulan iyo Reydableey, waxaa laga hortagay koox argagixiso ah oo qorsheynaysay falal amni-darro. Howlgalkaas waxaa lagu dilay shan xubnood oo isugu jiray maleeshiyaad iyo horjoogayaal.

Howlgalka saddexaad oo ka dhacay buurta Ceelbaraf, oo galbeed kaga beegan magaalada Ceelbaraf, ayaa lagu bartilmaameedsaday koox kale oo Khawaarij ah. Ilaa afar maleeshiyaad ah ayaa halkaas lagu dilay, iyadoo la burburiyay saldhig ay halkaas ka sameysteen.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Hoggaamiyaha ku-meel-gaarka ah ee KGS oo ka qeyb-galay dhaarinta Wasiirka Amniga Gudaha KGS

Baydhabo, Abriil 9, 2026: Hoggaamiyaha ku-meel-gaarka ah ee Dowladda...

Markabkii Shidaalka qodayay oo soo gaaray Muqdisho

Waxaa saaka xeebta magaalada Muqdisho soo gaaray markabka qodista...

Wasiirka Amniga Gudaha XFS oo xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Dowladda Switzerland u qaabilsan Soomaaliya

Wasiirka Amniga Gudaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdullaahi...

Wasiiru-Dowlaha Arrimaha Dibadda oo kulan la yeeshay UNTMIS si loo dardargeliyo geeddi-socodka kala-guurka

Muqdisho, 8 Abriil 2026 Mudane Cali Maxamed Cumar, Wasiiru-Dowlaha...