Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo la kulmay dhiggiisa South Africa

Date:

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali, ayaa maanta oo Jimce ah kula kulmay magaalada Pretoria, dhiggiisa, Wasiirka Xiriirka Caalamiga iyo Iskaashiga ee Jamhuuriyadda Koonfur Afrika, Mudane Ronald Ozzy Lamola, isaga oo kala hadlay siyaabaha lagu xoojin karo xiriirka labo geesoodka iyo ballaarinta dhinacyada iskaashiga.

Kulanka ayaa lagu fallanqeeyay dhowr arrimood oo muhiim ah, sida isku-duwidda iyo wadatashiga arrimaha fagaarayaasha caalamiga, diyaarinta heshiisyada is-afgaradka labada dal ay qorsheynayaan inay wada saxiixdaan oo uu ku jiro heshiis u dhexeyn doona labada dal oo ku saabsan in labada dowladdood ay ka dhaafaan baasaboorka diblomaasiga iyo kan shaqaalaha shuruudaha dal-ku-galka. Wadahadalka ayaa sidoo kale diiradda lagu saarray fududaynta isku socodka dadka, dib u furidda ergada diblomaasiyadeed ee Koonfur Afrika ay ku lahaan jirtay Caasimadda Muqdisho iyo xoojinta iskaashiga dhinacyada ganacsiga, maalgeshiga iyo amniga.

Wasiir Cabdisalaan ayaa carabaabay tixgelinta uu u haayo Dowladda iyo Dadka Koonfur Afrika ku martigelinta dalkooda jaaliyad Soomaaliyeed oo aad u weyn oo ka qeyb-qaadatay si firfircooni leh dhaq-dhaqaaqa ganacsiga iyo dhaqaalaha, isaga oo caddeeyay saaxiibtinimada soo jireenka ah ee labada dal.

Dhankiisa, Wasiir Lamola ayaa markale ku celiyay in Koonfur Afrika ay si sugan oo cad ay u garab taagan tahay midnimada, madaxbannaanida, iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya, isagoo muujiyay sida ay uga go’an tahay sii xoojinta iskaashiga iyo horumarinta hindiseyaal wax ku ool ah oo labada dal faa’iido u leh.

Soomaaliya waxa ay Koonfur Afrika la leedahay xiriir saaxiibtimo qoto-dheer, iyadoo ay ku suntantahay taageerrada xooggan ee siyaasdeed iyo mid diblomaasiyadeed ay u fidisay halgankii Koonfur Afrika ee ka dhanka ahaa xukunkii midab-takoorka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

SoDMA iyo Wasaaradda Maaliyadda oo Daahfuray Mashruuc lagu xoojinayo ka Jawaabidda masiibooyinka

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin...

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo dhagax-dhigay dhismaha laamiga degmada Wadajir

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi...

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka dalka oo Khudbad ka jeediyey Shirka Caalamiga ah ee la dagaallanka Gaajada

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax...

Madaxwayne Xasan Sheekh oo ka qaybgalay caleema saarka madaxweynaha Tanzania

Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...