Duqa Muqdisho oo la kulmay madaxda UNOPS si loo dardargeliyo dib-u-dhiska waddooyinka

Date:

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), ayaa xafiiskiisa ku qaabilay madaxda ugu sarreysa hey’adda UNOPS ee Soomaaliya, isaga oo kala hadlay dardargelinta mashaariicda dib-u-dhiska waddooyinka caasimadda iyo hirgelinta biyo-mareenno tayo leh, si xal waara loogu helo daadadka, biyo-fadhiisiga iyo caqabadaha ka jira waddooyinka.

Kulanka oo ay sidoo kale ka qeybgaleen shirkadaha ka shaqeeya dhismaha kaabayaasha, ayaa diiradda lagu saaray muhiimadda ay leedahay xoojinta wada-shaqeynta, si loo xaqiijiyo guul ka timaadda dhismaha waddooyinka iyo biyo-mareennada, maadaama caqabadahaasi yihiin kuwa ugu weyn ee haysta bulshada caasimadda.

Madaxa UNOPS ee Soomaaliya, Mudane Ala’s Namer, ayaa tilmaamay in hawlgalkoodu uu san ku ekeyn dhismaha kaliya, balse ay xooga saarayaan gudbinta karaanka iyo aqoonta dhanka dhismaha kaabayaasha, si loo helo khubaro Soomaaliyeed oo ku filan hirgelinta iyo maaraynta kaabayaasha dalka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo la kulmay Madaxa cusub ee UNHCR Soomaaliya

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-Heshiisiinta Xukuumadda Federaalka...

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo kulan la qaatay dhiggiisa Dalka Kuweyt

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda Federaalka...

Dibadbax ka dhan ah xadgudubka Israa’iil oo ka dhacay Taallada Daljirka Dahsoon

Bannaanbax ka dhan ah faragelinta iyo xadgudubka YH-da Isra’il...

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo kulan-doceed la qaatay dhiggiisa dalka Masar

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga Mudane Cabdisalaan Cabdi...