Wasiirka hawlaha guud oo la kulmay wasiir ku xigeenka arrimaha dibadda ee Netherlands

Date:

Wasiirka Wasaaradda hawlaha guud, dib-u-dhiska, iyo guriyeynta ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Dr. Cilmi Maxamuud Nuur ayaa maanta kulan muhiim ah la yeeshay wasiir ku xigeenka arrimaha dibadda ee Netherlands, Ms. Pascalia Grotenhuis, iyo mas’uuliyiin sare oo ka tirsan Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Netherlands.

Kulanka oo ka dhacay magaalada The Hague ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga labada dal, gaar ahaan dhinacyada la xiriira dib u dhiska kaabayaasha dhaqaalaha, sida:

Mashaariicda dhismaha dekedaha, Garoomada diyaaradaha, iyo wadooyinka muhiimka ah ee isku xira Soomaaliya iyo dalalka dariska ah.

Sidoo kale, waxaa kulanka lagu falanqeeyay, Maamulka dhulka.

Horumarinta degmooyinka iyo sidii sare loogu qaadi lahaa qorsheyaasha la xiriira dib-u-habeynta magaalooyinka.

Intii uu socday kulanka, labada dhinac waxay isku raaceen in la xoojiyo wada-shaqeynta, iyadoo mudnaan la siinayo:

Sareynta sharciga, nabadeynta, horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha iyo taageerada geeddi-socodka doorashooyinka

Kulankan ayaa qeyb ka ah dadaallada joogtada ah ee lagu xoojinayo xiriirka Soomaaliya iyo Netherlands, waxaana la qorsheynayaa in la qabto kulammo dheeraad ah, si loo mideeyo qorsheyaasha Wasaaradda hawlaha guud iyo barnaamijka horumarineed ee shanta sano ee Wasaaradda arrimaha dibadda Netherlands.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo la kulmay Madaxa cusub ee UNHCR Soomaaliya

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-Heshiisiinta Xukuumadda Federaalka...

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo kulan la qaatay dhiggiisa Dalka Kuweyt

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda Federaalka...

Dibadbax ka dhan ah xadgudubka Israa’iil oo ka dhacay Taallada Daljirka Dahsoon

Bannaanbax ka dhan ah faragelinta iyo xadgudubka YH-da Isra’il...

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo kulan-doceed la qaatay dhiggiisa dalka Masar

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga Mudane Cabdisalaan Cabdi...