Soomaaliya iyo Turkiga oo kala saxiixday Heshiis iskaashiga dhinaca gaadiidka ah

Date:

Wasiirka Wasaaradda Dekedaha iyo Gaadiidka Badda ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Abdulkadir Mohamed Nur ayaa sheegay in maanta uu soo idlaaday saxiixidda heshiis is-afgarad oo u dhaxeeya Wasaaradda Gaadiidka iyo Kaabayaasha Dhaqaale ee Jamhuuriyadda Türkiye iyo Wasaaradaha u xilsaaran Gaadiidka iyo Kaabayaasha Dhaqaale ee dalalka Afrika ee xeebaha leh.

“Maanta waxaa si guul leh noogu soo idlaaday saxiixidda heshiis is-afgarad oo u dhaxeeya Wasaaradda Gaadiidka iyo Kaabayaasha Dhaqaale ee Jamhuuriyadda Türkiye iyo Wasaaradaha u xilsaaran Gaadiidka iyo Kaabayaasha Dhaqaale ee dalalka Afrika ee xeebaha leh”ayuu yiri wasiirka Gaadiidka XFS

Heshiiskan waxaa diiradda lagu saarayaa xoojinta iskaashiga dhinaca gaadiidka, kor u qaadista isku xirka ganacsiga, kobcinta wax-soo-saarka, iyo dhiirrigelinta dhaqaalaha guud ahaan gobolka.

Tallaabo muhiim ah oo mideyneysa dalalka Afrika ee leh xeebaha istiraatiijiga ah iyo Türkiye, si si wadajir ah loo horumariyo kaabayaasha isku xirka, loona dhiso mustaqbal dhaqaale oo xooggan.

Dowladda Federaalka Soomaaliya, iyadoo ka duuleysa istaraatiijiyaddeeda kobcinta kaabeyaasha, waxaa naga go’an horumarinta dekedaha Soomaaliyeed, kuwaas oo ah il dhaqaale muhiim u ah dalka. Ujeeddadeennu waa in aan gaarno isku filnaansho waarta, loona abuuro fursado shaqo iyo horumar dhaqaale.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Hoggaamiyaha ku-meel-gaarka ah ee KGS oo ka qeyb-galay dhaarinta Wasiirka Amniga Gudaha KGS

Baydhabo, Abriil 9, 2026: Hoggaamiyaha ku-meel-gaarka ah ee Dowladda...

Markabkii Shidaalka qodayay oo soo gaaray Muqdisho

Waxaa saaka xeebta magaalada Muqdisho soo gaaray markabka qodista...

Wasiirka Amniga Gudaha XFS oo xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Dowladda Switzerland u qaabilsan Soomaaliya

Wasiirka Amniga Gudaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdullaahi...

Wasiiru-Dowlaha Arrimaha Dibadda oo kulan la yeeshay UNTMIS si loo dardargeliyo geeddi-socodka kala-guurka

Muqdisho, 8 Abriil 2026 Mudane Cali Maxamed Cumar, Wasiiru-Dowlaha...