Ciidanka Xoogga oo howlgal qorsheysan ka fuliyay Gobolka Jubbadda Hoose

Date:

Ciidanka Xoogga Dalka iyo kuwa Daraawiishta Jubbaland ayaa saaka waaberigii fuliyay howlgal qorsheysan oo ka dhacay Deegaanno ka tirsan Gobolka Jubbadda Hoose.

Howlgalka ayaa si gaar ah loogu bartilmaameedsaday godad ay ku dhuumaaleysanayeen maleeshiyaadka Khawaarijta iyo horjoogayaal sar sare, kuwaas oo qorsheynayay falal amni darro iyo dhibaateyn shacabka ah.

Ciidamada ayaa ku guuleystay burburinta gawaari qaraxyo ah iyo godad ay gabbaad ka dhiganayeen.

Saraakiisha howlgalka hoggaamineysay ayaa xaqiijiyay in weerarka uu ahaa mid qorsheysan isla markaana uu qeyb ka ah dadaallada joogtada ah ee lagu ciribtirayo Khawaarijta iyo argagixisada guud ahaan deegaannada Jubaland.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Hoggaamiyaha ku-meel-gaarka ah ee KGS oo ka qeyb-galay dhaarinta Wasiirka Amniga Gudaha KGS

Baydhabo, Abriil 9, 2026: Hoggaamiyaha ku-meel-gaarka ah ee Dowladda...

Markabkii Shidaalka qodayay oo soo gaaray Muqdisho

Waxaa saaka xeebta magaalada Muqdisho soo gaaray markabka qodista...

Wasiirka Amniga Gudaha XFS oo xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Dowladda Switzerland u qaabilsan Soomaaliya

Wasiirka Amniga Gudaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdullaahi...

Wasiiru-Dowlaha Arrimaha Dibadda oo kulan la yeeshay UNTMIS si loo dardargeliyo geeddi-socodka kala-guurka

Muqdisho, 8 Abriil 2026 Mudane Cali Maxamed Cumar, Wasiiru-Dowlaha...