Raโ€™iisul Wasaare Ku-xigeenka Labaad oo qaatay Kaarka codeynta

Date:

Raโ€™iisul Wasaare ku-xigeenka Labaad ee Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Jibriil Cabdirashiid Xaaji Cabdi, ayaa maanta kormeer ku tagay xarunta diiwaangelinta codbixiyeyaasha ee degmada Hodan, si uu ugu kuur galo habsami u socodka howlaha socda isla markaana uu uga qayb qaato isdiiwaangelinta.

Raโ€™iisul Wasaare ku-xigeenka ayaa sheegay in degmada Hodan ay tahay halka uu codkiisa ka dhiiban doono marka la gaaro doorashada. Wuxuuna xusay in Xukuumadda DanQaran ay ka goโ€™an tahay hirgelinta doorasho qof iyo cod ah.

Mudane Jibriil ayaa ku bogaadiyey maamulka iyo howlwadeennada degmada dadaalka ay ugu jiraan adeegga bulshada, isagoo shacabka degmadaas ugu baaqay inay si firfircoon uga qayb qaataan diiwaangelinta codbixinta.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale