Wasiirka Arrimaha Gudaha XFS oo si rasmi ah u furay Kulanka Isu Duwidda Dowladaha Hoose

Date:

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka Iyo Dib-u-heshiisiinta XFS Xildhibaan Cali Yuusuf Cali (Xoosh) ayaa maanta Magaalada Muqdisho ku daahfuray Kulanka Qaran ee isu-duwidda Dowladaha Hoose.

Wasiir Cali Xoosh oo ka hadlay Kulanka ayaa hoosta ka xarriiqay muhiimadda dhismaha Dowlaha Hoose, isagoo yiri” Dhismaha dowladaha hoose ee dalka waa tiir muhiim u ah dowlad-dhiska iyo kor u qaadidda adeeg bixinta shacabka Soomaaliyeed.

“Kulankan waxa uu ka turjumayaa sida ay nooga go’antahay in aan dhisno nidaam dowladeed oo hoos-u-daadegsan, si loo helo dowlado hoose oo la tayeeyay kana jawaabi kara baahiyaha dhabta ah ee shacabku qabaan, Dowladaha Hoose waa wajiga ugu horreeya ee dowladda, waana hay’adda dowladeed ee ugu dhow shacabka “ayuu hadalkiisa sii raaciyay Wasiir Cali Xoosh

Kulanka oo socon doona muddo labo cisho ah ayaa waxaa goobjoog ka ah masuuliyiin ka socda Dowladda Federaalka Soomaaliya, Dowlad Goboleedyada dalka, Gobolka Banaadir iyo Hay’adaha ka shaqeeya arrimaha Dowladaha Hoose.

Wasaarada Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta XFS waxaa ka go’an daadejinta awoodda iyo baahinta nidaamka matalaadda, iyadoo hortabin siineysa in si toos ah loo doorto matalayaasha dowladaha hoose.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Hoggaamiyaha ku-meel-gaarka ah ee KGS oo ka qeyb-galay dhaarinta Wasiirka Amniga Gudaha KGS

Baydhabo, Abriil 9, 2026: Hoggaamiyaha ku-meel-gaarka ah ee Dowladda...

Markabkii Shidaalka qodayay oo soo gaaray Muqdisho

Waxaa saaka xeebta magaalada Muqdisho soo gaaray markabka qodista...

Wasiirka Amniga Gudaha XFS oo xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Dowladda Switzerland u qaabilsan Soomaaliya

Wasiirka Amniga Gudaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdullaahi...

Wasiiru-Dowlaha Arrimaha Dibadda oo kulan la yeeshay UNTMIS si loo dardargeliyo geeddi-socodka kala-guurka

Muqdisho, 8 Abriil 2026 Mudane Cali Maxamed Cumar, Wasiiru-Dowlaha...