RW Xamsa Cabdi Barre oo xafiiskiisa ku qaabilay hoggaanka ururrada siyaasadeed ee is diiwaangaliyey

Date:

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay hoggaanka ururrada siyaasadeed ee is diiwaangaliyey, kuwaas oo door muuqda ku leh hannaanka dimoqraadiyadda iyo dib-u-dhiska nidaamka xisbiyada dalka.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa tilmaamay sida ay uga go’an tahay Xukuumadda DanQaran xoojinta wada-shaqeynta Dowladda iyo ururrada siyaasadeed, dar-dargelinta hannaanka doorashooyinka qof iyo cod ah, iyo in la hirgeliyo nidaam siyaasadeed oo ku dhisan hufnaan, daahfurnaan iyo kalsooni shacabka.

Ra’iisul Wasaare Xamsa, ayaa tilmaamay in dowladdu ay mudnaan gaar ah siineyso hirgelinta doorashooyin loo dhan yahay, iyadoo la dardar-gelinayo qorshaha qaran ee doorashooyinka, si muwaadiniintu ay u helaan fursad ay si siman ugu go’aan gaari karaan mustaqbalka dalka.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda, ayaa bogaadiyay doorka ay ururrada siyaasadeed ay ku leeyihiin kobcinta dimoqraadiyadda iyo xoojinta isla xisaabtanka, isaga oo xusay in Xukuumadda DanQaran ay si buuxda uga go’an tahay in ay la shaqeyso dhammaan daneeyeyaasha siyaasadeed.

Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre, ayaa sheegay in xukuumadda ay ka uga go’an tahay sii amba-qaadidda la-tashiyada qaran oo saldhig u ah dhismaha hannaanka siyaasadeed, iyadoo la dhageysanayo aragtiyahooda ku aaddan mustaqbalka siyaasadda dalka.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Mashruuca Zakaatul Fitriga oo si rasmi ah loo soo gabagabeeyey maalintiisii labaad

Xarunta Boqor Salmaan ee Gargaarka iyo Hawlaha Bani’aadannimada, iyadoo...

DfS oo war kasoo saartay arrinta dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta ee Dowladda Federaalka...

Taliska XDS oo ka farxiyay Carruurta danyarta ah ee ku jirta Isbitaalka Xoogga

Maamulka Isbitaalka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa maanta dhar loogu...

Xarunta Boqor Salmaan oo maanta Muqdisho ka daah-furtay qeybinta Zakaatul Fitriga.

Xarunta Boqor Salmaan ee Gargaarka iyo Hawlaha Bani’aadannimada, iyadoo...