๐–๐š๐ฌ๐ข๐ข๐ซ๐ค๐š ๐‚๐š๐š๐Ÿ๐ข๐ฆ๐š๐š๐๐ค๐š ๐จ๐จ ๐ค๐ฎ๐ฅ๐š๐ง ๐ฌ๐š๐ ๐จ๐จ๐ญ๐ข๐ง ๐š๐ก ๐ฅ๐š ๐ช๐š๐š๐ญ๐š๐ฒ ๐–๐š๐ค๐ข๐ข๐ฅ๐ค๐š ๐”๐๐ˆ๐‚๐„๐… ๐ž๐ž ๐’๐จ๐จ๐ฆ๐š๐š๐ฅ๐ข๐ฒ๐š

Date:

Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Xukuumadda Federaalka, Dr. Ali Haji Adam, ayaa maanta magaalada Muqdisho kulan sagootin ah kula qaatay Marwo Wafaa Saeed, Wakiilka UNICEF ee Soomaaliya, oo dhamaysatay muddo-xileedkii ay ka shaqaynaysay dalka.

Kulanka ayaa looga hadley wada shaqeyntii dhoweyd ee u dhexeysay Wasaaradda iyo daryeelka bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya iyo Heyโ€™adda UNICEF intii ay Marwo Wafaa xilka haysay, gaar ahaan taageerada joogtada ah ee UNICEF ay ku bixisay horumarinta adeegyada caafimaadka, tallaalka, nafaqada, iyo daryeelka hooyada iyo dhallaanka.

Wasiir Dr. Ali Haji Adam ayaa uga mahadceliyay Marwo Wafaa shaqadii ay qabatay iyo sida ay uga goโ€™nayd taageerada Caafimaadka Soomaaliya, isagoo u rajeeyay mustaqbal wanaagsan iyo guulaha howlaheeda danbe, waxa uuna sheegey Wasiirka in Wasaaradda Caafimaadka ay mar walba diyaar u tahay la shaqeynta bah-wadaagta caalamiga ah si loo gaaro himilooyinka Caafimaad ee Qaranka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Bangiga dhexe oo xoojinaya shuruudaha Akoon furashada

Bangiga dhexe ee Soomaaliya isaga oo la kaashanaya hayโ€™adda...

Raโ€™iisul wasaare ku xigeenka 2-aad oo ka qaybgalay saxiixa heshiis ay gaareen Hormuud iyo Save the Children

Raโ€™iisul wasaare ku xigeenka 2-aad ee xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka...

Wasiir Alcadaala oo qaabilay lataliye sare oo ka socda safaaradda Mareykanka

Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda...

Wasiirka maaliyadda oo kulan la yeeshay madaxda ururka Bangiyada dalka

Wasiirka Maaliyadda Xukumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Biixi imaan Cige...