Wasiir Cali Xoosh oo bogaadiyey doorka Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka

Date:

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya, ayaa xalay casho sharaf ugu sameysay Muqdisho Guddiga Madaxabanaan ee doorashooyinka Qaran iyo Soohdimaha, ururrada Siyaasadda ee Diiwaangeshan iyo Xisbiyada Siyaasadda Puntland.

Kulan weynahan isbarashada iyo kala warqaadashada ahaa, waxaa ka hadlay mas’uuliyiinta ururrada Siyaasadda Diiwaangeshan iyo Xisbiyada Siyaasadda ee Puntland, iyaga oo ka hadlay ahmiyadda in doorashada dadban laga guuro oo lagu tartamo doorasho toos ah, hufan oo xor iyp xalaal ah, iyaga oo ku bogaadiyey Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Wasiirkeeda Cali Xoosh shaqada laga qabtay xeerarka doorashada iyo guddigii ka dhashay oo maanta shaqeeya halka Guddiga Madaxa bannaan ee doorashooyinka ay ku ammaaneen shaqada wanaagsan ee ay hayaan.

Gudoomiyaha Guddiga Madaxabanaan ee doorashooyinka Qaran mudane Cabdikariin Axmed Xasan ayaa isna ka hadlay ururrada Siyaasadda ee ay diiwaangeliyeen, diiwaangelinta codbixiyeyaasha ee socota iyo heerka diyaargarowga.

Wasiirka Arrimaha Gudaha Soomaaliya Mudane Cali Yuusuf Cali Xoosh waxaa uu bogaadiyey doorka Guddiga Madaxabannaan ee Doorashooyinka Qaran iyo Soohdimaha iyo xisbiyada ka jira Puntland isaga oo intaa raaciyey in ururadda iyo xidbiyada ay ka wada shaqeeyaan wacyigelinta, marna ay tartamaan.

Waxuuna hoosta ka xariiqay in Doorashada toosan aan laga laabaneyn, taasi oo ah doorasho dadka dhexdiisa wax kasoo baxaan oo dadku noqdaan mid wax doorto ama la doorto oo ay kusoo baxaan dad haldoor ah.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Amniga Gudaha XFS oo xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Dowladda Switzerland u qaabilsan Soomaaliya

Wasiirka Amniga Gudaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdullaahi...

Wasiiru-Dowlaha Arrimaha Dibadda oo kulan la yeeshay UNTMIS si loo dardargeliyo geeddi-socodka kala-guurka

Muqdisho, 8 Abriil 2026 Mudane Cali Maxamed Cumar, Wasiiru-Dowlaha...

Hoggaamiyaha Koonfur Galbeed oo kormeer ku tegay xarunta maamulka Baydhabo

Baydhabo, Abriil 08, 2026: Hoggaamiyaha ku-meelgaarka ah ee Dowlad...

Soomaaliya oo u diyaar-garowbaysa helitaanka maalgelinta cimilada

Xafiiska Sanduuqa Qaran ee Cimilada Soomaaliya (National Climate Fund...