Wasiir Al-Cadaala oo ka hadlay guulaha laga gaaray dagaalka khawaarijta

Date:

Wasiir Cabdiraxmaan Yuusuf Al-Cadaala oo hadal ka jeediyay munaasabad ama kulan looga hadlayay lagu soo bandhigayay dareenka dhibanayaasha Khawaarijta oo lagu qabtay magaalada Muqdisho, ayaa si qoto dheer loogu muujiyay kaalinta shacabka ee amniga magaalooyinka.Wuxuu tilmaamay in heerka amni ee magaalooyinka Soomaaliyeed uu si toos ah ugu xiran yahay sida shacabka magaalo kasta u qaateen masuuliyadda ilaalinta amniga, iyo sida ay ula shaqeeyaan hay’adaha ammaanka.

Qoraalkiisa wuxuu xambaarsan yahay fariin muhiim ah oo ah in amniga aan lagu sugin kaliya ciidamada dowladda, balse uu yahay waajibaad wadajir ah oo ay bulshada iyo dowladda iska kaashadaan. Wuxuu tusaale u soo qaatay magaalooyin ay shacabka si dhow ula shaqeeyaan laamaha amniga, taasoo keentay in falalka amni darrada ah ay aad u yaraadaan.

Ujeedka hadalka Wasiirka wuxuu ahaa in uu dhiirrigeliyo doorka shacabka ee sugidda nabadda, isla markaana uu xasuusiyo bulshada in haddii ay muujiyaan midnimo, feejignaan, iyo wada-shaqeyn, ay suuragal tahay in magaalo kasta oo Soomaaliyeed noqoto mid nabdoon, horumarna leh.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Ra’iisul wasaaraha XFS oo xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Dowladda Shiinaha u fadhiya Soomaaliya

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi...

Soomaaliya oo Ka Qayb gashay Kulanka Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee Hindiya iyo Carabta

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo shir kula qaatay magaalada Jigjiga Madaxda Gobolka

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo...

Madaxweynaha JFS oo si weyn loogu soo dhoweeyey magaalada Jigjiga

Madaxweynaha JFS Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa lagu soo...