Wasiirka Beeraha iyo Waraabka oo Daah-furay Xarunta cusub ee Shaybaarrada (SARIS)

Date:

Wasiirka Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdi Xayir Maareeye, ayaa si rasmi ah u daah-furay xarunta cusub ee tijaabooyinka (Laboratory Complex) oo hoos timaadda Hay’adda Sharciyeynta iyo Dabagalka Beeraha Soomaaliyeed (SARIS).

Wasiirka oo ka hadlayey furitaanka xarunta ayaa sheegay in laga bilaabo maanta ay mamnuuc tahay in dalka la keeno abuur ama sunta beeraha iyadoo aan la marin hay’adda SARIS. Wasiirka ayaa si cad u sheegay:

“Wixii maanta ka dambeeya, qofkii dalka soo galiyo sunta ama abuurka beeraha oo aan soo marin Hay’adda SARIS, waa dambiile; sharciga ayaana la horgeyn doonaa.”

Wasiirka Beeraha iyo Waraabka XFS, Mudane Maxamed Cabdi Maareeye, ayaa ku adkeystay in xaruntani ay qayb ka tahay dadaallada Dowladda Federaalka Soomaaliya ugu jirto sugidda tayada agabka beeraha iyo daryeelka beeraleyda, si loo gaaro isbeddel muuqda oo ku yimaada wax-soosaarka gudaha.

Xarunta Cusub Ee Shaybaarrada Waxay Ka Kooban Tahay Saddex Waaxood Oo Muhiim Ah:

1. Shaybaarka Sunta Cayayaanka (Pesticide Laboratory):

Waxaa lagu baarayaa tayada, badqabka, iyo saameynta sunta cayayaanka ee loo adeegsado beeraha.

Waxay ka hortagaysaa sunta halista ku ah caafimaadka bulshada iyo deegaanka.

2. Shaybaarka Tijaabada Abuurka (Seed Testing Laboratory):

Waxaa lagu hubinayaa tayada abuurka si loo xaqiijiyo inuu yahay mid tayo leh, ku habboon deegaanka, kana fayoow cudurro.

Tani waxay si toos ah u taageereysaa beeraleyda Soomaaliyeed, kana caawinaysaa horumarinta wax-soosaarka dalagyada.

3. Shaybaarka Caafimaadka Dhirta (Plant Health Laboratory):

Waxaa lagu baarayaa caafimaadka dhirta, cudurrada iyo cayayaanka waxyeelada leh.

Waxaa la tijaabin doonaa muunado dhir ah si looga hortago faafidda cudurrada dhirta ee keeni kara khasaare dhaqaale iyo mid deegaan.

Ujeeddooyinka Guud Ee Xarunta Laabka:

In la helo nidaam casri ah oo lagu hubiyo tayada agabka beeraha sida abuurka, sunta, iyo caafimaadka dhirta.

In la xoojiyo kormeerka, ilaalinta tayada, iyo badbaadinta bulshada iyo deegaanka.

In la taageero horumarinta wax-soosaarka beeraha iyadoo la adeegsanayo cilmibaaris iyo tijaabo rasmi ah.

 

 

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Taliyaha Ciidanka Dhulka oo kormeer dhiirrigelin ah ku tegay deeganka Gendershe

Taliyaha Ciidanka Dhulka ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa...

Wasaaradda Qoyska oo New York ku qabatay kulan ballaaran oo ku saabsan horumarinta haweenka Soomaaliyeed

Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka ayaa magaalada New...

Mashruuca Zakaatul Fitriga oo si rasmi ah loo soo gabagabeeyey maalintiisii labaad

Xarunta Boqor Salmaan ee Gargaarka iyo Hawlaha Bani’aadannimada, iyadoo...

DfS oo war kasoo saartay arrinta dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta ee Dowladda Federaalka...